SOO NOQOSHADII AAYASOOFIYA

Aayasoofiya waxay ahayd kaniisadii ugu weynayd ee imbaraatooriyaddii Roomaaniyiinta bari ku lahaayeen Istanbul, waxaa markii hore loo yaqaanay Megal Ecclesia oo macanaheedu yahay kaniisaddii weynayd, Qarnigii 5aad ayaa loo bixiyay magacan Aayasoofiya oo macnahiisu yahay xikmadii muqadaska ahayd.

Dhismihii Aayasoofiya iyo Isbadaladii ay soo martay  

Dhisamaha Aayasoofiya waxaa la bilaabay 23, Feb 532 xiligii Imbiratoorkii la oranjiray Justinian (527- 565), waxaana lagu dhamaystiray mudo kooban, Kiniisad ayaa lagu furay markii xariga laga jarayay 537. Imbiratoor Justinian oo ka hadlayay xafladii furitaanka Aaysoofiya waxaa ka mid ahaa hadaladiisii:

“ Ilaahay ayaa mahad leh ii suuragaliyay inaan Aayasoofiya ka dhigo goob cibaado (kaniisad)”. Mudo ku dhaw toban qarni (10 qarni) ayay Aayasoofiya ahayd kiniisad ay ku soo hirtaan dadka kiristanka ah.

1453 markii ay muslimiintu furteen Magaalada Constantinia (Istanbul) ayaa Fatih Sultan Mehammed waxa uu u badalay Aayasoofiya Masaajid ay muslimiintu ku cibaadaystaan, waxaana lagu sameeyay dib – u – dhis, ayadoo lagu daray Minaaraddii, Qolkii mu’adinka (Mixraab) iyo waxyaaba kale muujinaya shacaa’irta islaamka.

Mudo afar qani (4 qarni ) ku dhaw ayay Aayasoofiya ahayd Masaajid Jaamic ah oo muslimiintu daafa caalamka ugu yimaadaan si ay ugu cibaadaystaan, sidoo kale waxa ay ahayd astaan lagu xasuusto furashadii magaaladda Constantinia (Istanbul).

1935 ayaa Mustafe Kamal Ataturki oo ahaa aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga ayaa isga oo cuskanaya go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada ee dalkaas waxa uu Aayasoofiya ama Hagia Sophia u badalay Matxaf taariikhi ah waxa uuna u furay dadka Ajaanibta ah si ay u soo booqdaan. Arintaas markay dhacday waxa ay bar – madaw ku noqotay taariikhda Magaalada Istanbul.

Matxafka Aayasoofiya si la mid ah sidii markii uu Masaajidka ahaa uu astaanta ugu ahaa furashadii muslimiinta ee Constantinia (Istanbul), waxa uu hadana astaan markale u noqday jiritaanka nadaamkii cilmaaniga ahaa ee uu hogaaminayay Mustafe Kamaal Ataatorki.

Maxkamadda Sare ee Turkiga oo markale go’aamisay in Matxafka Aayasoofiya laga loo badalo masaajid

Tan yo markii Aayasoofiya loo badaly matxaf taariikhi ah waxaa isa soo tarayay qaylo – dhaan ka imaanaysay ururada islaamiyiinta oo lagu dalbanayo in lagu celiyo Masaajid lagu cibaadaysto, Balse maxkamadaha dalka Turkigu gaashaanka ayay u daruureen dalabkaas.

Doodda Aaysoofiya ayaa ahayd mid taagan tan iyo markii  loo badalay Matxafka iyada oo ayna meesha ka marnaynay faragalinta wadamada reer Galbeedka sida Maraykanka iyo UK. Waxaana 29 bisha may sanad kasta loo asteeyay in ay noqoto Maalin lagu xasuusto Aaysoofiya, Maalinkaan ayaa ah Maalintii Fatih Suldan Mohammed oo furtay magaaladda Constantinia (Istanbul).

Isku soo wada duuboo markuu xukunka wadanka la wareegay xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka AKPARTY ee uu hogaaminayo Ordogan ayaa waxay bilaabeen inay ka shaqeeyaan sidii Aayasoofiya dib loogu celin lahaa Masaajid, iyagoo oglaaday in si maalinle ah qur’aanka loogu akhrisan karo laguna tukan karo qaybta dambe ee Matxafka Aayasoofiya. Ugu dambayn 11 bishaan July ayaa Maxkamadaha sare ee dalka Turkigu ay buriyeen go’aankii Golaha wasiiradu gaareen 1934 kaas oo Aayasoofiya looga dhigay Matxaf. Sidoo kale Maxkamaddu waxay go’aamisay in Aaysoofiya loo badalo Masaajid. Madaxweynaha dalka Turkiga oo warbaahinta la hadlayay go’aanka maxkamadda ka dib ayaa sheegay in 24 bishaan July Aaysoofiya loo furi doono dadka muslimiinta ah si ay ugu cibaadaystaan.

Dalalka reer galbeed qaybo ka mid ah sida Giriiga iyo Maraykanka ayaa canbaareeyay go’aanka Aayasoofiy loogu badalay Masaajid. Arinta Ayasoofiya oo doodeedu mar kasta taagantahay ayaa la rumaysanyahay in ayna siyaasad ka madhnayn, sidoo kale go’aankan Aayasoofiya loogu badalay masaajidka ayaa la aaminsanyahay in Madaxweyne Ordogan uu ku helo doon taageero xoog leh oo shacbi.

عن Cali Cabdijabbaar Maxamed

Qoraa & Akadeemik

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x