AF-BARKII CARRUURTA EE SOOMAALIDII HORE

Hordhac:

Marka hore allaah ayaa mahadleh, Nebigeenii Muxammed ahaa naxariisi korkiisa ha ahaato.
Qormadaan aan ugu magacdaray afbarkii carruurta ee soomaalidii hore waxaan ku eegi doonaa Idamka allaah sidii ay soomaalidu ilmaha u af_bari jireen uguna diyaarin jireen saaxadii ku dhisnayd aftahamnimada iyo adadayga.

Soomaalidu waxa ay dhaqan u lahaayeen murtida noocyadeeda kala duwan(gabayag, geeraarka,heesta IWM) iyo tiraab aqooneed ku salaysnayd habdhaqankooda. Marmarka qaarkood xulashada lamaanaha, duubka reerka hogaamin doona iyo odayga geedka u meteli doona waxaa lagu xulan jirey af-maalnimadiisa iyo toosnaanta tiraab hadalkiisa.

Sidaas daraadeed marka uu ilmuhu dhasho hooyada soomaaliyeed waxa ay wiilkeeda iyo gabadheeda u diyaarin jirtey saaxada lahayd sifooyinka aan korkusoo xusnay. Waxaa lama huraan ahayd in hooyadu ay aad ugu dedaasho afbarka ilmaha iyo korintiisaba.

Hadaba qormadaan waxaan waxaan ku soo qaadan doonaa.
1. Heesaha carruurta loo tiriyo iyo saamayntooda.
2. Maaweelada carruurta iyo faa’iidada ay u leedahay ilmaha.
3. Hogatusaalaynta ilamaha ee habnololeedka.
4. gunaanad iyo geba-gebo.

1. Heesaha carruurta loo tiriyo iyo saamayntooda

Heesaha carruurta loo tiriyo waa ay fara badanyihiin waana kala u jeedooyin duwanyin iyo xilliyo duwanyihiin. Sidaas darteed waxaan kalkaan kusoo qaadan doonaa dhowr tusaale oo kala duwan.

Tusaalahaha 1aad
“Markaad dhalatee dhawaaqday
Dhulkaa ii wada iftiimay
Dhurwaayo iga dareere”
Heestaan waxaa ay hooyadu tirisaa xilliga dhalashada ilmaha yar jinsiguu doono ha noqdee. Heestaan waxaan ka dheehaneynaa faxad iyo ray rayn. ilmuhu marka uu yaryahay waxa uu duubaa afcaasha hareerahiisa ka dhacaaya, Sidaas darteed ilha heestaan loogu celceliyo waxa uu noqondoonaa mid markuu weynaado fahmo afka iyo qiimihiisa.

Tusaalaha 2aad
” Ninkii dila oo dagaala
Ninkii duur kulul ku duugey
Asaan duunyo u diraynin
Dagaal baa naga dhexeeya
dabkana kala qaadan meyno”
Heestaan waxaa la tiriyaa marka ilmuhu uu dhawr bilood jiro ilaa uu ka kobcaayo.
Waa hees cajiib ah oo hooyadu ilmaha ugu hoga tusaalayneyso in ninkii dila ama waxyeela ay colaad u tahay. waa hees ilmaha ku abuureysa kalsooni nafeed iyo mustaqbal ifaaya inleen hooyadiisaa la jirtee.

Tusaalaha 3aad
“Hobeeya hobeey hobeeya
Hobaaladu dhawrtayow waa
Ar ma geelii baa arooray
Arooroo oon ku raagey
Ma odaygii baa socdaalay
Socdaaloo socod ku raagey
War ma naasii baa gobnoomey
Gobnoomoo godol ka weydey
War ma reerkii baa sabool ah
Sabool oo subag ku siinin
Maxaad la samaamureysaa”
Heestaan waxa hooyadu tirisaa marka uu ilmuhu u muujiyo Tabasho noocey doonto ha agate. waa hees xambaarsan macna aad u balaaran oo aan qormadaan kooban lagu soo koobi karin. Waxay xambaarsantahay kobcin maskaxeed, garaadka ilmaha oo kor loo qaadayo, maaweelo iyo madadaalo IWM.

2. Maaweelada carruurta iyo faa’iidada ay u leedahay ilmaha.

Maaweelada carruurtu waa nooc ka mid ah madadaalada waxay ka koobantahay heeso, biitaysi, carabjalaqsi, waayawaayo IWM.
Ujeedooyinka maaweelada waxaa ka mid ah in xilliga firaaqada ah carruurta lagu madadaaliyo iyo in carruurta la baro: dhaqanka, habnololeedka iyo Afka.
Haddii aan dhowr tusaale oo maaweelada ku saabsan soo qaadano waxaa ka mid ah:
” beri reerkayagu guur Hawkeye
Guuryoo galbeed qabey Haawiyee
Bali gubadleh kor u dhaaf Haawiyee
Waxaraa wad lay yiri Haawiyee
Wadi maayo baan iri Haawiyee
Iska soo wad lay yiri Haawiyee
Iska soo wadaan waday Haawiyee
Tiriyoo tiraa maqan Haawiyee
Tiro qoor cas baa maqan Haawiyee
Doondoonayoo helay Haawiyee
Doob meel hurdaan helay Haawiyee
Doobow aryaa tahay Haawiyee
Doob ciisa maxamuud Haawiyee
Samataro aryaa tahay Haawiyee
Samataro mareexaan Haawiyee”
Maaweelada waxaa la yiraahdaa “haawiyee” waa dhigane u dhigan sida heesta kana waramaaya waayo waayo iyo waayihii la soo Maray. Waa dhigane xambaarsan aftahannimo iyo xikmad farabadan. waa dhigane tusinaaya hayaanka iyo geediga ay soomaalidu dhaqanka u leedahay. carruurtu waxa ay tiriyaan markey ciyaarayaan iyo marka ay fiidkii Caanaha sugayaan.

Maaweelada cajiibka ah oo ay carruurta soomaaliyeed ku ciyaarto waxaa ka mid ah biitaysiga sida:
” Biitoy biito
Biito xariir ah
Nayshey deylan
Oo daba oogan
Banbanaanis
Banankey daaqdo
Bal aan soo eegee
Biitoy laabo”
Biitaysigu waa nooc ka mid ah ciyaar dhaqameedda carruurtu ay ciyaarto.
Waxaa loo sameeyaa qaab cajiib ah oo inta dhowr ciyaal ahi is urusadaan ayey lugaha fidiyaan ka dibna biitaystaan lugtii ay ku dul dhacdo kelmedda ugu danbaysa ayaa la laabaa sidaas ayeyna ku socotaa ilaa bar dhammaadka.

Waxaa kale oo iyana ka mid ah waxyaalaha carruurta lagu madadaaliyo carrab jalaqsiga.
Carrab jalaqsigu waa in lagu celceliyo oraaho ay ku jiraan kelmedo dhigaal iyo dhawaaq ahaanba isku dhow. Ujeedka ugu weyn oo carruurta loobaro waa in ilmaha luuqaddiisu adkaato uuna fahmo micnaha suugaantu leedahay. Carrab jalaqsiga waxaa ka mid ah:
” fiqi shinni Shaluu taalo fiqi shirwac Sergey.
Fiqi shirwac shaluu taalo fiqi shinni degey”

3. Hoga-tusaalaynta ilmaha ee hab nololeedka.

Soomaali badini waxa ay ku noolyihii nolosha reer guuraanimada taas oo ah nolol aan sahlanayn dhinaca aftahannimada, marti soorka, IWM.

Tusaale ahaan soomaalidu waxa ay aad u qadarisaa martida. Aabe iyo hooyo kastaaba waxa ay ilmahooda ku carbiyaan sidii uu u noqon laha mid deeqsi ah oo aan markuu weynaado lagu xaman helbel ama heblaayo looma hoydo.
Waxaa daliil cad inoogu filan boqolaal xikmadood oo ka mid ah xigmadaha soomaalida oo ina tusinaaya arintaas.
Gabaygan hoose waxa uu si farshaxan nimo leh u hoga tusaalaynayaa wiilka uu ku wajahanyahay qiimaha martisoorka iyo doqonnimada bakhaylnimada.
“Wiil labiyo toban jirey hadduu leli ahaan waayo.
Muslim leyl u soo galay hadduu luun ka rogi.
Raganimo luddii kuma jirtee liicye bal ogaada.”

Tusaalayaasha cajiibka ah waxaa ka mid ah markuu reerku guuro oo ubadka yar yiri daalaan hooyadu si ay ugu dhiiri geliso socodka uguna sheegto dhibkan iyo daalkan barwaaqada ka danbaysa waxa ay tiraahdaa:
” waan oonayeey oonayeey
Na arooriyaay ooriyaay
Gaajoonayeey joonayeey
Geel noo lisaay noo lisaay
Beri geediyeey geediyeey
ban abaara eey baara eey
Biyo qaadashooy qaadashooy
Berri doog le eey doog le eey
…………………….. ………
Marka uu ilmuhu heestaas maqlo ayuu karaar qaataa oo daalku daayaa oo niyadiisu samaataa oo waxaa isu sawirta kob rays leh, xoolihii oo dhergey iyo isagoo caano intuu ka dhergey boodaalaysanaaya.

Geba gebo iyo gunaanad

Waxaan halkaas ku hakineynaa qormadeenii aan ugu magac darnay afbarkii carruurta ee soomaalidii hore.

Allaah ayaa mahad leh.

عن Mukhtaar Cabdi Axmed

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x