AFKA HA MAALIN EE MASKAXDA IYO MURUQA MAAL

Marka hore llaah ayaa mahad oo dhami u sugnaatey, nabigeena naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato.

Hadii ALLE weyne kor ahaaye uu ka raali noqdo waxaynu dhiganahan kaga hadli doonaa kala duwanaanta iyo farqiga u dhexeeya in wax la qabto oo arrin ama hawl loo dhaqaaqo iyo hadalka oo ah in afka keliya la adeegsado iyo weliba in laga sheekeeyo in habab wanaagsan wax loo qaban karo, laakin aaney ficil iyo is ku day toona wehelin. Waxaan kaloo tilmaami doonaa dhawr talaabo oo muhiim u ah sida wax loo qabto. ama eynu kaashan karno markasta oo eynu dooneyno inan wax qabano hadii ALLE yiraahdo.

Hadeynu ka shidaal qaadano murtida soomaaliyeed ee faca weyn leh mid kamid ah taas oo oranaysa “in si wanaagsan loo qabto ayaa ka haboon in si wanaagsan loo dhaho”. Sida ka muuqata murtidan waxay si cad u dhiiri gelinaysaa in wax la qabto ha yaraado ama ha badnaado. Wax baa la qabtey waxay ka dhigan tahay, in la dhaqaaqay oo meel ama heer markaa nolosha iyo ilbaxnimada dad ama dal maraayey laga talaabsadey.

Fekerka wanaagsani wuxuu keeni karaa in la qaado tallaabo horumar iyo sareedo leh, laakin talaabada la qaadayo lafteedu waa hawl la qabanayo.

Si kale hadaan u dhigno in la gaaro meel lagu taamayo, qiimo iyo mug weyna ugu fadhida bulshada, waxaa suurtagal ka dhigi kara, in lala yimaado hawl karnimo joogta ah iyo tubo si macquula dadaal iyo kal (waqti) ku haboon loo geliyey.

Diinta islaamku waxay in badan inagu boorinaysaa wax qabadka oo ALLE (C W J) waxa uu kitaabka quraanka ah inagu yiri aayada macna ahaan u dhigan sidan, “waxaad dhahdaa rasuulkii allow shaqeeya, waxaa arkaya shaqadiina ALLE ( C W J ), iyo rasuulkiisa iyo mu’minnita”  (Suuratu Al-tawba: aayada 105).

Aayadan lafteedu waxay si cad u xoojinaysaa wax qabadka, oo waxaan ka dheehan karaa in dhamaan hawlaha aan qabanayno uu daalacanayo ALLE (S W C) iyo suubanaheena Maxamed (SCW) iyo weliba bulsha aan ku dhexjiro oo markaa la noolnahay. Sida inoo muuqata inan waxqabano waa amar inagaga yimid xaga sare (samada), wax fududna ma aha ee aan ogsoonaano midaas oo ha inaga daadegto.

Dhanka kale rasuulka (SCW) waxa uu inagu yiri xadiis uu macnihiisu ahaa “Qofkii xumaan arkaa gacanta wax ha kaga qabto, haduu awoodi waayo carabka wax hakaga qabto, haduu awoodi waayo qalbiga haka naco”. Xadiiskani waxa uu si cad inoogu kala saarey ahmiyadda wax qabadku leeyahay iyo weliba ka mudnaanta uu ka mudanyahay hadalka afka ah. Oo waxa uu hormuud ka dhigay in gacanta wax lagaga qabto. Sidaa awgeed wax qabadka, hal abuurnimada iyo in hawshu badnaato oo hadalku yaraado, waa sarreynta, iyo kor u kaca aadanaha. Ogow markasta oo umadi u dhaqaaqdo, ka shaqaynta iyo ka miradhalinta hadafkeeda, si aan dhayal ku jirinna diirrada u saarto, waa markay u dhowaato dheefta iyo ka faaiideysiga fursadaha ku xayndaaban.

Bulshada soomaaliyeed oo ahaa wayaadii hore dad ku caan baxay hawl karnimo, oo aad ka dheehan karto sidey isugu baraarujin jireen wax qabadka ayaa waxaa dhaxalka ay ka tageen ka mid ahaa maah maahda oranaysa “Hawl la hariyaa sooma hoyatee waa halkeedii”. oo hadii aan la hawshoon oo wax lala soo bixin wax is bedela ma imaanayaan oo halkii la joogey sinama loogama diga ragan karo.

Waxaa kale oo dhaxalka awoowayaasheen kamid ah hees hawleedka oranaysa “Inta la hurdiyo habeenimadaan hawsha qaban jirey”. oo in hawl loo dhaqaaqo kama marna in xeeladeeda iyo xiribteeda loo adeegsado.

TALAABOOYINKA MUHIIMKA U AH WAX QABADKA:

Sidaan kor ku soo sheegnay markii horeba waxaan sheegi doonaa tilmaamo kooban, inagu saacidaya inaan noqonno dad wax qabsan kara oo iyagu tiigsan kara halka ay naftoodu u jeeshay. Arrimaha kuu sahli kara inaad wax qabataa wey badan yihiin, laakin dhawrkan talaabo waxaa lays oran karaa waa dhawr talaabo oo ugu muhiimsan wax qabadka iyo wax soo kordhinta.

 

1) AQOONTA:

Aqoontu waa muhiimad weyn. Waxay kaa cawin kartaa inaad qabsato dhammaan arimaha kuu muhiimka ah, oo mar hadaaney jirin aqoon kugu filan oo gaarsiisan waxaad qabaneyso ama ka sareysa, shaki majiro iney kugu adkaan doonto inaa wax dhaqaajiso. ALLAH kor ahaay wuxuu quraanka inoogu sheegay, in dadka alle ka baqaa ay yihiin culimada iyo dadka garanaya cilmiga diinta islaamka.  Sidoo kale wuxuu ALLAH quraanka ku yiri “ma siman yihiin kuwa garanaya iyo kuwa aan garaneyn maya masina”.

 

2) AGAASIN:

Agaasinku waa iyadoo hawsha la rabo in loo qalab qaato la isku duba ridaa. Waana in la kala saaro oo si fiican loo kala guro bar bilowga, bartanka iyo bardhamaadka, hawsha la qabanayo. Iyo in si cad loogu toog hayo waxa ku dhaafey, halkaad marin iyo inta kuu dhiman. Teeda kale waxay kugu saacidi kadhaa iney meesha ka baxaan ama yaraadaan carqalado iyo dhabaq soo dhex gala hawshii markaa socotey.

 

3) GO’AAN:   

Waxaa lagama maarman ah inaad qaadato go’aan ku haboon inaa qabato hawhsaas, isla markaana aad ku samirto caqabadaha kaaga yimaada. Waayo hadaan go’aan iyo adkeysi lala iman ma jirto cid waxey rabaan u suurta geli kaaran. Tusaale waxaa kuugu filan go’aanki rasuulka {N N K H} markii ay gaaladu yiraahden iska dhaaf diinta anagaa xoolo ku siin, oo madax kaa dhigiye, go’aankii uu qaatey waa kii ku yiri: ”waxa kale iska daaye hadaa qoraxda iyo dayaxa labadeyda gacmood marba mid saadhaan kama noqonayo’’

 

4) Tala saarasho:

Marka saddexdaa qodob ee hore ay kuu hirgalaan waxaa lagaa donayaa inaa Rabigaa utala dhiibato. Oo ALLAH waxa uu quraanka ku yiri “markaad go’aansato rabigaa tala saaro”. Markastana ogow waxaa koonka ka soconaya waa talada rabigeen iyo oglaanshihiisa, iskana ilaali hilmaanka arintaas.

عن Siciid Faarax Cali

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x