Cumar Binu Cabdulcasiis: Khaliifkii 5aad sidee Caadil ku noqday?

Cumar Binu Cabdulcasiis Khaliifkii Muslimiinta ee Nabi Muhammed (SCW) uusii bishaareeyey inuu soo baxayo dunidana cadaalad kusoo dabaalayo, kunamutay inuu nuqdo Khaliifkii Raashidka ahaa ee 5aad. Sidee arinkaa ku xaqiijiyey?

Sooyaalka Hogaamiyayaashii wanaagsanaa waxaa inoogu sugan darsi iyo ku dayasho, qofkii raba inuu hogaamiyo ummadna waa inuu raadraaco taariikhda intii ka horaysay ee dunidu ay mahdisay go’aamadoodii iyo waxqabadkoodii.

Maqaalkan ayaa isoo jiitay kadib markaan akhriyey, waxaana qoray Dr Ali Al-Salabi oo aan ku taxanahay qoraaladiisa, waana Mufakir weyn oo gaar ahaan kutakhasusay Taariikhdda iyo Fiqiga.

Maqaalka ayaan kasoo qaadan inta Nuxurka ah inaga oo sookoobayna, Wuxuuna ka hadlayaa Sidii Cumar Binu C/casiis ay ugu suurto gashay inuu Cadaalada Xaqiijiyo intuu Khaliifka ahaa. Waa qormo ay anfacayso qof walba, dadka madaxda ahna ay lagamamaarmaan utahay inay daalacdaan, waxaana qodob walba raacin doonaa faallo yar.

Amiirul Mu’miniin ka Cumar Binu C/casiis wuxuu ahaa shakhsi si toos ah udaba jooga oo ukormeera howlada Dowladiisu ay qabanayso hawaynaato hayaraato, wuxuuna si dhow ulasocon jiray howlgallada dowladdu ka fulinayso gobollada iyo shaqada ay masuuliyiinta dowladdu hayaan; waxaana arinkaas u sahlay systemkii Dowaldda ee uu dhisay Adeerkiisa Abdimalik Bin Marwaan oo ahaa mid ka mid ah ragii ugu awoodda Badnaa Dowladdii Umawiyiinta sida Boostada iyo laamaha Sirdoonka kaasoo ku fidsanaa daafaha dowladda oo dhan, waxayna u adeegsan jireen inay xogaha dowladda kusoo uruuriyaan. iyadoo Cumar Bin C/casiis uu si kafiirsasho ah u xulan jiray Wasiiradiisa iyo Goborotoorayaasha gobollada hadana arinkaas kama hor istaagin inuu la socdo baahiyaha bulshada iyo maamulida danahooda iyo ka jawaabidda cabashooyinkooda, wuxuuna ku caanbaxay Howlkarnimo iyo Shaqo badni. Eebe ha unaxariistee wuxuu ahaa mid waqtigiisa in badan oo ka mid ah geliya qorshaynta iyo jeexista siyaasad ku qotonta horumarin iyo dib u habayn toosoo yoolkeeda ahaa inuu tirtiro ku tagri falka awoodda iyo Musuqmaasuqa dhinacyada kala duwan ee nolosha, Siyaasadda, Dhaqaalah iyo Maamulkaba. Cumar waxaa laga dhexlay Siyaaasado iyo hab maamul qurux badan oo dhamaystirnaa, wuxuuna siyaasadiisa wanaagsanayd u daadajiyey gobollada iyo degmooyinka hoose ee dowladdii Islaamka isagoo ku lari jiray fariimo toosin ha iyo Xasuusin Weynaanta Amaanada dushooda saaran, wuxuuna ku cabsin jiray oo xasuusin jiray Allaah (SW) shaqaalaha dowladda. Khaliifa Cumar wuxuu ahaa mid xogta meelo kala duwan ka hela oo hal qof ama koox kaliya wax kama dhagaysan jirin.

Arimaha ugu muhiimsan ee uu dabageli jiray waxaa ka mid ahaa isagoo la dagaalamaya Maamul xumida iyo musuqa, wuxuuna ka hortagi jiray wada walba oo arinkaas fududayn karta sida Khiyaanada, Beenta, Laaluushka, Hadiyadaha loo keeno Masuuliyiinta, Israafka, Masuuliyiintu dowladdu inay Ganacsiga ka shaqeeyaan, dadka in ilaalada udiido inay la kulmaan, Dulmiga iyo Xadgudubkana uga cowdaan.

Waa kuwan siyaabaha uu umaray Sidii uu ku xaqiijiyey Cadaaladda iyo Maamul wanaaga muddo kooban oo uu xilka hayay 2 sano wax ka yar.

  • Xulashada dad wanaagsan oo u qalma Masuuliyada, lehna tilmaamaha Wanaaga iyo dhowrsanaanta:

 

Wuxuu Khaliifku aad uga fiirsanjiray dadka uu xilalka dowladda ugu dhiibayo isaga oo xooga saari jiray inay leeyihiin tilmaamaha suuban ee diinta iyo akhlaaqda, wuxuuna shuruud uga dhigi jiray Alla kacabsiga, Hufnaanta iyo maamul wanaaga. Wuxuu Taliyaha Ilaalada Ciidamada Qasriga khaliifka u dhiibay Camro Binu Muhaajir Al-ansaari ka dib markii uu xilka ka qaaday Khalid binu Rayaan, wuxuuna khaliifku Cumar ku yiri kuuguma dhiibin xilka qaraabnimo naga dhaxaysa aan ahayn walaaltinimada Islaamka ee waxaan maqlay quraan akhriskaaga badan iyo Salaadaada oo aadan jeclayn dadku inay arkaan. Mana uusan ahayn cumar qof intaa uun kaga hara raga uu xilka ku aaminayo ee wuu dabageli jiray ilaa uu hubsado.

Oo mar ayaa dhici karta inuu qofku Cibaadada ku fiicanyahay balse uusan aqoon iyo karti u lahayn maamulka iyo Siyaasadda.

  • Wuxuu shaqaalahaa Dowladda ugu roonaaday Gunnunada iyo Mushaharka:

Tilaabadii ugu horaysay ee uu qaado Cumar Binu C/casiis waxay ahayd si uu uga gaashaanto khiyaanada shaqaalaha dowladda inuu u qoray mushahar iyo Gunnooyin ku filan, iyadoo waliba naftiisa iyo qoyskiisa aad ugu ciriirin jiray mushaarka uu ka qaadan jiray dowladda, hadana wuxuu damcay inaysan shaqaalihiisu ku haasaawin xoolaha dowlada. Qof kamid ah wuxu mushahar u siin jiray 100-200 Diinaar bishii taasoo lacag aad u badan ahayd waagaas. Dadkuna waxay ku oran jireen maad caruurtaada iyo reerkaaga sidaas ugu roonaato sida aad ugu roontahay shaqaalahaaga, isna wuxuu oran jiray “ Xaq aysan lahayna siin mayo, Waxay leeyihiinna u diidi mayo, horay ayayna wax u qabeen” taasoo uu ula jeedo intii uusan noqon Amiirka oo uu ka mid ahaa qoyskii Umawiyiinta Xaaskiisuna ahayd ina Amiir C/malik Binu Marwaan, waxaana la sheegaa in qoyskiisu ay aad ugu dhibtoodeen ciriirkii ay galeen, balse ay noqdeen qoys barakaysan oo magacoodii waaray.

Tilaabaadaas wuxuu ku damaanad qaaday labo arimood oo muhiim ah:

  1. Wuxuu iska xiray baabka Musuqa, iyo waxa ku kalifi kara shaqaalaha dowladda inay xadaan xoolaha Dowladda.
  2. Wuxuu damaanad qaaday inay shaqaalaha u firaaqoobaan u adeegista dadka iyo gudista baahiyahooda.

Markaad u fiirsato maamuladeena Soomaalida, shaqaalaha dowladda ma qaataan wax ku filan xuquuqdoodana ma helaan, waan arinka keenay inay dhacaan hantida dadweynaha musuqmaasuqana uu baaho.

  • Wuxuu joojiyay qaadasha Hadiyadaha iyo Deeqaha:

 

Isaga oo kacararaya inay noqoto laaluush iyo in madaxdu dowladu wax ku badashaan ayuu faray shaqaalihiisa inaysan qaadan Hadiyadaha iyo Deeqaha uga imaanayay meelaha kaladuwan, oo Gabortoorayaashii Umuwayiintu waxay qaadan jireen Hadiyado loo keeno xilliyada Ciidaha Nayruuska iyo Xafladaha taasoo uga iman Jirtay Furuska (Iran). Waxaa dhacday in Xaaskiisa Fatima Bintu Cabdilmalik ay ina Macdii Karab ay ka codsatay inuu usoo dhiibo Malab iyo Xanjada Luubaanta, markii uu maqlayna xaaskiisu wuu guulguulay wuxuuna kuyiri hadaad mardambe unoqoto howldambana ii qaban maysid mardambana wajigaaga dhugan mayo.

Hadana xaalkeenu Marwada Koowaad waxay doontay qaadataa xisaab la’aan.

 

  • Wuxuu reebay Israafka iyo qarashka xadhaafka ah:

 

Tilaabooyinka uu qaaday waxaa kamid ahayd si uu  u ilaaliyo xoolaha dowladda una tashiilo inuu joojiyay wixii maamuus ahaa oo khaliifku lahaa, agabkii Qasriga yaalay oo dhan wuxuu dib ugu celiyey Batul Maalka Muslimiinta wuxuuna ku fariistay Xasiig.

Wuxuu shaqaalihiisa faray inay tashiilaan xoolaha dowladda oo ay ka fogaadaan muuqaalada Israafka iyo qarshka aan loo baahnay.

Mudadii yarayd uu hayey xilka ayaa dhaqaaluhu kobcay oo la waayey qof baahan, wuxuuna uguuriyey dhallinyaradii oo dhan, waxaana lawaayey wax Zakada qaata, heer markii dambe la yiri duurjoogta iyo shimbraha hala quudiyo.

  • Wuxuu u diiday Masuuliyiinta dowladda inay Ganacsi yeeshaan:

Wuxuu faray shaqaalaha dowladdu inaysan gacansi gelin, hadii sidaas ay yeelaana waxaa dhacaysa inay isxijiyaan dheefta oo muslimka kale iyo ganacsata suuqyada ku ciriiriyaan iyo risiqii ay heli lahaayeen, ayna qaataan waxaysan xaq ulahayn. Sideed qarni ka dib Ibnu Khalduun wuxuu muqadimadiisa ku qoray tijaabooyin dheer kadib iyo cilmi baaris ballaaran wax rumaynaya arigta runta ku dhisnayd ee Khaliifku qaatay iyo Xikmadiisii xeesha dheerayd, wuxuuna Ibnu Khalduun yiri: “Ganacsiga Suldaanku waxay dhib ku tahay Shacabka, waxaan adkaata helista Canshuurtii kasoo xaroon lahayd Dadweynaha”.

Arinkaas wuxuu keenaa in dowladdu marba canshuurta kordhiso oo dadka ku dhibto, maxaa yeelay xubnihii dowladda ku jiray ayaa ganacsiyo iyo hanti boob ku jira taasoo dhaqaalaha iyo ganacsiga hoos u dhigaysa, hadiise ay ka nadiif ahaadaan Ganacsiga, waxaa dhici lahayd in ganacsatadu dhaqaale fiican heli lahayd kadibna canshuur fiican dowladda uga soo xaroon lahayd.

  • Wuxuu xiriir toos ah ufuray isaga iyo dadweynaha:

 

Wuxuu Khaliifka baabi’iyey Xayndaabyadii kaga gudbanaa dadweynaha, wuxuuna ugu yaboohay deeq qofkii runta usoo sheega iyo ceebaha dowladda iyo dhaliisheeda ama utilmaama talo ay ku jirto maslaxadda Dowladda.

Maantana Madaxdeenu way yartahay inta ay gaarto xaqiiqda iyo duruufta Dadweynaha waxaana ku hareeraysan afmiinshaaro iyo danley aan runta u sheegin, isagayna tahay masuuliyadiisu inuu iska xoreeyo aafadaas oo runta uu raadiyo ama uu samaysto cid dadweynaha ugu jirta.

Waxaa la sheegaa inuu Jiray Boqo Shiinays ahaa kaasoo dadka dhagaysan jiray oo albaabadiisu u furnaayeen, waagii dambe ayuu dhaga beelay dadkiina waa maqli waayay, oo markii hore qofkii cabasha wata inta qasrigiisa u soo dhowaado ayuu qaylin jiray. Maadaama uu dhaga beelay dadkii wuxuu faray in qofkii dan leh uu maro Cas madaxa kusoo xirto isaguna wuxuu fuuli jiray dabaqa sare si uu dadka inta marada cas xiran u arko.

  • Laxisaabtanka masuuliyiinta dowladii ka horeeyey ee lunsaday xoolaha dadweynaha:

 

Wuxuuna arinkaas u xiray nin la oran jiray Yazid binul Mulhib oo ahaa Waaligii Kharasaan, kaasoo lunsaday dhaqaale intuu uu xilka hayey Sulayman Binu Cabdulmalik Amiirkii ka horeeyey Khaliifa Cumar.

Wuxuu ahaa khaliifka mid dabagala shaqaalihiisa iyo wararkooda wuuna la xisaabtami jiray haday gaabiyaan, wuxuu mid u qaray ( inta kaa cabanaysaa badatay, inta kaa mahad sheeganaysana waa yaraatay, toosnow ama xilka iska casil).

Sidaas ayuu Cumar Binu Cabdicasiiska aad cadaaladiisa maqasheen uu u maray inuu ku noqdo khaliif caadil ah, wuxuuna leeyahay Sooyaal dheer oo qurux badan kaasoo ka sheekeynaya Alla Ka cabsigiisa, Amaanadiisa iyo Cilmigiisa. Wuxuuna ku guulaystay inuu abuuro system ku dhisan Hufnaan heer dadweynuhu qayb ka ahaayeen laxisaabtanka dowladiisa ayna ku mudan jireen abaal marino.

Waxaa fiican cidii xil muslimka u haysa inay in badan Khaliifka Cumar wax kagadayato Eebena uga baqdo xilka ay hayso.

Taariikhduna waxay xusin cidii wanaag geysta, kii xumaan gaystana u turimayso.

Dhamaad

عن Cabdiraxmaan Cabdirasaaq Cabdiraxmaan

Qoraa Madaxa Jamciyadda Tadaamun

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x