DHALAAN KU DAYACAN DUGEENA

Hordhac:

Marka hore allaah ayaa mahad dhammaanteed u sugnaatay.suubanihii Nebigeena naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Qormadaan aan ugu magac daray Dhalaan ku dayacan dugeena waxaan ku soo bandhigi doonaa qaar ka mid ah waxyaalaha keena derbi-jiinimada, dhibaatooyinka ka dhalankara derbi-jiifnimada, saamaynta ay carruurta derbi-jiifka ah ku yeelan karaan carruurta kale oo aan derb-jiifka ahayn iyo weliba talooyin ku aadan sida loo badbaadin karo carruurta derbi-jiifka ah si looga badbaado sharkooda iyaguna u helaan nolol wanaagsan mustaqbalka.

Ugu horayn waa inaan ogaanaa in ay carruurtu nimco ciddii uu doono allaah ugu deeqo{wiilal, gabdho ama iskujir} ciddii uu doonona uusan ugu deeqin.

قال الله تعالى: لِلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ يَخْلُقُ مَا يَشَاء يَهَبُ لِمَنْ يَشَاء إِنَاثًا وَيَهَبُ لِمَن يَشَاء الذُّكُورَ* أَوْ يُزَوِّجُهُمْ ذُكْرَانًا وَإِنَاثًا وَيَجْعَلُ مَن يَشَاء عَقِيمًا إِنَّهُ عَلِيمٌ قَدِيرٌ                                            الشورى:49-50

Carruurta ama ubadku waa qurux aduunka inta aan joogno{qofkii aan carruur lahayn ayaa aad u dareensa} waxayna noqon karaan sahay aakhiro haddii aad tarbiyadooda hagaajiso waxna barto kuna dedaasho inta aad aduunka joogto.

(قال الله تعالى: (الْمَالُ وَالْبَنُونَ زِينَةُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَالْبَاقِيَاتُ الصَّالِحَاتُ خَيْرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابًا وَخَيْرٌ أَمَلًا

 

Rasuulkeenii sharafta lahaa waxa uu inoo sheegay in ilmaha wanaagsan ducadiisu kugu soo gaadheyso aakhiro waase haddaad ku tacabto inta aad aduunka joogto.

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله ﷺ قال: (إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا من ثلاث: صدقة جارية، أو

 علم ينتفع به، أو ولد صالح يدعو له، رواه مسلم)

Waa maxay derbi jiif?

Ereyga derbi-jiif waxa uu ka koobanyahay laba erey oo laysku kabay;{Derbi oo macnihiisu yahay gidaarka guriga ama aqalka. Jiif oo macnihiisu yahay dhinac-dhigid ama barbar dhigid}. sidaas darteed Derbi-jiifku waa qof derbiyada u hoyda amaba aan hoy laheyn waxkastaa haku sababeen eh.

Guud ahaan meel kasta oo aduunka ka mid ah waa jiraan cid derbi jiif ku ah, ha sababaan duruufo dhaqaale ama xanuunada dhimirka ku dhaca amaba waxyaalo kale. Tusaale ahaan wadanka Mareykanka oo ka mid ah wadamada ugu tunka weyn dhinaca dhaqaalaha guud ahaan caalamka waxaa jira barnaamij ay ka sameeyeen muuqbaahiyaal caalami ah oo ciwaankiisu ahaa-{ dadka hoy la’aanta ku ah maraykanka gudihiisa} arintaasi waxa ay kuu cadayneysaa baahsanaanta derbi-jiifnimada ee caalamka. Hase yeeshee derbi-jiifka laftiisu wuu sii kala halis badan yahay oo carruurta qaar ayaa waxaa u raaca derbi-jiijnimada daroogooyin kala duwan sida; dhuuqidda koolada, cunista qaadka, cabista sigaarka IWM.

Maxaa keena Derbi-Jiifnimada?

Guud ahaa aadanaha allaah waa uu karaameeyey mana jiro qof si iskiis ah u doortay in uu Derbi-jiif noqdo amaba uu nolol liidata ku noolaado.

 قال الله تعالى: (وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا)

Waxaa jira waxyaalo ku riixaaya qofku in uu ku noolaado noloshaan adag oo dhibka badan waxaa ka mid ah qodobadaan hoos ku taxan.

  1. Saboolnimo

Saboolnimadu waa in uu qofku waayo qaar ka mid waxyaabaha nolosha asaaska u ah sida: cunto ku filan, biyo nadiif ah, lacag uu ku iibsado hu’ uu xirto ama in uu waayo wax uu carruurtiisa waxbarashadooda ku maareeyo. Saboolnimadu waa xaalad aad u xanuun badan waxaana si dhab ah u dareemi Kara oo keli ah qofkii soo maray ama la macaamilay dad sabool ah.suubanaha waxaa laga weriyey in uu ku ducaysan jirey:

(اللّهُمَّ إنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ الْفَقْرِ، وَالْقِلَّةِ، وَالذِّلَّةِ، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ أَنْ أَظْلِمَ أو أُظْلَمَ)

Saboolnimadu waxey qeyb libaax leh ka qaadataa kororka derbi-Jiifknimada, iyadoo marka uu qoysku awoodi waayo inuu daboolo baahiyihiisa aas-aasiga ah caruurta u dira suuqa si ay uga soo shaqaystaan sida: iney gawaadhida maydhaan, kabaha baalasheeyaan (caseeyaan), Kirishboy noqdaan, amaba waxyaalo kale oo aan dhaamin qabtaan iyagoo da’doodu aad u yaryartahay. Tani waxa ay keentaa in carruurtii ay baylaha u noqdaan la saaxiibidka jaalkooda suuqa uga soo horeeyey kagana daydaan waxkasta oo ay samaynayaan sida; koola dhuuqista, cabista sigaarka iyo cunidda qaadka IWM.

  1. Burbur ka iyo khilaafka qoyska
  2. bur-burka qoyska: bur-burka qoysku waa in ay kala tagaan {isfuraan} labadii qof ee xiluhu isu hayey {xaaska isu ahaa}. Mar haddii xidhiggii labada waalid isu hayey uu go’ay waxaa bilaabaneysa in lakala huleelo. Furiirka ka dib waalidiinta qaar waxa ay isku qabtaan ubadda ka dhexeeya iyo sidii loo maarayn lahaa nolosha carruurta taas oo keenta ugu danbayn in ilmihii yaraa laysku haleeyo oo uu cidlo haadla’ ah kusoo dhoco.

Furniinku waxa uu ka qeyb qaata dayaca ugu badan ee ku dhaca ubadka, kaas oo la ilaabo xaqii iyo xuquuqdii ubadku ku lahaayeen walidkooda, arinkooduna noqdo mooyi iyo ma arag, markaas meel lagu ogyahay la garan waayo, waxaanna taas iyana aan ka fogeyn in marka ay labada qof kala tagaan qof walba calafkiisa raadsado, dabadeedna qofka kale ee uu nolosha la wadaagey aanu ilmihii uu lamaanihiisu horey u watey siinin ahmiyad badan wallow ay jiraan dad wanaagsan oo ubalka lamaanohoodu wato ula dhaqma sidii ilmahooda oo kale.Guud ahaan calaamka markaan fiirino carruurta loo yaqaano derbi-jiifka {homeless children} tirada ugu badan ee ku dayacan derbiyada magaalooyin waa carruurta waalidkood isfureen ama khilaaf xoogani ka dhexeeyo. Haddiise uu furiin dhaco iyo haddii kaleba musuuliyadda ilmaha waxaa laga rabaa waalidka gaar ahaan aabaha   sida ka muuqada aayadan hoose.

 قال الله تعالى: (وَالْوَالِدَاتُ يُرْضِعْنَ أَوْلَادَهُنَّ حَوْلَيْنِ كَامِلَيْنِ ۖ لِمَنْ أَرَادَ أَن يُتِمَّ الرَّضَاعَةَ ۚ وَعَلَى الْمَوْلُودِ لَهُ رِزْقُهُنَّ وَكِسْوَتُهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ)

  1. Khilaafka Qoyska: ubadka yar yar maskaxdoodu sida jidhkoodu curdinka u yahay ayey curdin u tahay. Haddii labada qof ee isqaba uu khilaaf ka dhexeeyo carruurtu ma maarayn karaan dhibaatada waalidkood ka dhex aloosan, taas bedelkeeda waxa ay isticmaalayaan siyaasad kasta oo ay kaga baxsan karayaan dhibka ka haysta guriga. Tani waxa ay sababi kartaa in ilmuhu uu raaco labada waalid saacadba midkii uu is yidhaado danbaa kuugu jidha, taasi waxay keentaa in ilmhu nolosha gurigooda iyo waxbarashadaba noco kadibna uu daleel yaal u noqodo la saaxiibidda carruurta isaga laale’eg ee derbi-jiifka ah.
  2. Qalafsanaanta waalidka iyo ogaansho laa’anta duruufaha ubadka
  3. Qalafsanaanta: Qalafsanaantu waa cudur ka mid cudurada ugu khatarsan ee bulshada kala gooya.

Haaddii labada waalid midkood uu qalafsanyahay ama ay labaduba qalafsanyihiin ubadka waxa ay geyeysiin kartaa raad reeb xumo iyo mustaqbal la’aan iyo in uu ilmuhu kubiiro kooxaha derbiyada koolada ku dhuuqa ama daroogada kale isticmaala.

Ogow aadnaha dhammaantiis ruuxa ugu sharafta badani waa nebi muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxaa lagu soo dejiyey quraan tilmaamaaya in haddii uu qalafsanaado agtiisa laga yaaci doono. Sidaas darteed qalafsanaantu iney wax xumayso maahee waxba ma hagaajiso.

قال الله تعالى) فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللَّهِ لِنتَ لَهُمْ ۖ وَلَوْ كُنتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ ۖ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ ۖ فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ(

  1. ogaansho la’aanta carruurta: ka warqab la’aanta carruurtu waa mid ka mid ah waxyaabaha dhiiri geliya in ay carruurtu bannaanka u baxdo. Waalidka waxaa laga doonayaa in uu dareen xoogleh siiyo masuuliyadda carruurta iyo ka warqabkoodaba.

Suubanaha waxaa ka sugan inuu aad u dhiirigeliyey xil iska saarka masuuliyadda.bal u fiirso xadiiskaan.

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ يَقُولُ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُول:كُلُّكُمْ رَاعٍ وَكُلُّكُمْ مَسْؤول عَنْ رَعِيَّتِهِ، الإِمَامُ رَاعٍ وَمَسْؤولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ، وَالرَّجُلُ رَاعٍ فِي أَهْلِهِ وَهُوَ مَسْؤولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ، وَالْمَرْأَةُ رَاعِيَةٌ فِي بَيْتِ زَوْجِهَا وَمَسْؤولَةٌ عَنْ رَعِيَّتِهَا، وَالْخَادِمُ رَاعٍ فِي مَالِ سَيِّدِهِ ومَسْؤولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ، -قَالَ: وَحَسِبْتُ أَنْ قَدْ قَالَ: وَالرَّجُلُ رَاعٍ فِي مَالِ أَبِيهِ وَمَسْؤولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ- وَكُلُّكُمْ رَاعٍ وَمَسْؤولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ.

  1. Guurka Badan iyo awood la’aan (Polygamous Marriage)

In la guursado mid, laba, saddex iyo afar dumara diinteena suubani way baneysay, laakiin waxaan iyana meesha ka madhneyn in ay muhiim tahey in loo meel dayo marka la qaadayo talaabooyinkan oo dhan, waa in aad loo darsaa xaalada dhaqaale ee uu qoysku ku sugan yahay iyadoo ubadka iyo ooridaba xaqooda iyo xuquuqdoodaba la dhowraayo.

قال الله تعالى )فَانكِحُوا مَا طَابَ لَكُم مِّنَ النِّسَاءِ مَثْنَىٰ وَثُلَاثَ وَرُبَاعَ ۖ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تَعْدِلُوا فَوَاحِدَةً—–(

Waxaa jirta in ay Rag badani iska guursadaan iyadoo ubadkoodii aan dab loo shidin, dan iyo heelona aan ka galin waxey ku sugan yihiin ubadkoodu.

Suubaneheena naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxa uu dhalinyarada ku booriyey in ay guursadaan laakiin waxa uu ku ladhay in marka la guursanaayo ay jirto “awood” dhinaca maalka iyo dhinaca awoodda jidh ahaaneedba. Taasi waxa ay na tusineysaa in guurka loo meel dayo xisaabaad badanna laga horaysiiyo inta aan la guursan weliba marka tan labaad, tan sadexaad ama tan afraad la guursanaayo.

عَنْ عَبْدِاللَّهِ بْنِ مَسْعُودٍ t: قَالَ لَنَا رَسُولُ اللَّهِ ﷺ: يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ، مَنِ اسْتَطَاعَ مِنْكُمُ الْبَاءَةَ فَلْيَتَزَوَّجْ،——مُتَّفَقٌ عَلَيْهِ.

  1. Cadaalad daro {dulmi}

Cadaaladda daradu waa in sheyga la dhigo meel aan ku haboonayn. Taas macanaheedu waxa weeye haddii carruurta loo kala sed badiyo ama hooyadood cadaalad xumo lagu sameeyo ama wax uusan geysan lagu canaanto amaba xaq uu leeyahay laga qaado, taasi ilmaha waxa ay ku sababi kartaa in uu naco nolosha guriga hooyadiis iyo aabihiis uuna door bido nolosha derbi jiifnimada.

Rasuulkeena suuban waxaa laga weriyey in uu yiri:

(اتقوا اللَّه واعدلوا بين أولادكم كما تحبون أن يبروكم)

  1. Calalinta qaadka ee aabaha

Umadda soomaaliyeey ee sebenkan nool waxaa fara baas ku haya geed la yidhaado qaad. Qaadku waa geed ay caleentiisa iyo laamihiisa ay ku jirto laba maandooriye oo la kala yidhaado:

  1. Cathinone: waa maan dooriye maanka qofka dooriya.
  2. Cathine; waa maandooriye maanka qofka dooriya.

Aabayaal badan oo qaadka calaliyaa waxa ay saamayn taban ku yeeshaan carruurtooda taasoo keenta in ilmuhu guriga ka baxo oo uu gidaarada cidlada ah door bido. Aabaha qaadka cunaa ilmaha waxa uu ka saamayyaa laba dhinac oo kala ah:

  1. ku dayasho: ilmuhu waxa uu xafidaa waxa uu waalidkiis samaynaayo waxaana uu inta uusan weynaan u qaataa waxkasta oo uu waalidkiis samaynaayo wax fiican. Sidaas daraadeed ilmaha aabihiis qaadka cuno waxaa badan in uu isaguna barto sidaasna uu nolosha uga dhaco derbijiifna ku noqdo.
  2. dayac: aabayaasha qaarkood waxa ay ilaawaan carruurtooda oo waxa ay xooga saaraan sidii ay qaadka u heli lahaayeen oo keli ah taasina waxa ay keentaa in uu ilmuhu dayacmo sidaasna derbi-jiif ku noqdo ama daroogayste ku noqdo.
  3. Dagaalada

Dagaaladu waxa ay sababaan in dad sharaf lahaa duloobaan, qof hantiile ahaa fakhri noqdo, qof ceebtiisu u asturnayd ceebtiisa la daalacdo IWM.

Umadda soomaaliyeey markey is dishey oo dawladoodii burburiyeen waxay keentay in dadkii nugulka ahaa dhibaato aad u farabadan soo gaarto. Magaalooyin badan oo soomaaliyeey waxaan wadooyinkooda ku aragnaa carruur badan oo derbiyada ka soo kacaaya oo koolo ku dhuuqaaya.haddii aad dib u sii raad raacdo waxaad ogaaneysaa in badankoodu ka soo jeedaan qoysas danyar ah oo ka soo barakacay guryohoodii.

Nolosha caruurta Derbi Jiifka ah:

Caruurta aadka u yar yar ee aan haysan hoy iyo hu’  toona ee ah derbi-jiiftu waa kuwo aad kuu saameynaya markaad u fiirsatid indhahana la raac-raacdid nolosha ay ku nool yihiin. Haddii adiga ilmahaagu uu ku jiro guri raaxo leh uuna dhigto iskuul fiican wixii uu u baahdana aad deg-deg ugu keento, ogow xaalka carruurta soomaaliyeed saas ma wada aha. Waxaa jira qaar carruurteena la mid ah oo ay hoy u tahay cushad yar oo aadan adigu saacad joogteen amaba derbi cidlo ah dhabanka dhiga. Waxaa jira qaar carruurteena la mid ah oo koolada iyo sigaarka ku dhuuqaya gidaarada cidlada ah Lana dhibaataysan daryeel la’aan.

Dhibaatooyinka soo foodsaara carruurta derbi-jiifka ah.

  1. Waxa ay u nugulyihiin maandooriyayaasha: Waxaan inta badan suuqyada magaalooyinka soomaalida ku aragnaa carruur yar-yar oo koolo ama sigaar dhuuqaaya, sida ay u badan yihiinna waa carruurta aan haysan meel ay ku hoydaan.
  2. Cunto yari ama cunto la’aan: carrurrta derbi jiifka ah intooda badan ma helaan cunto ku filan. Mar marka qaarkood waxaa laga yaabaa in aysan sadexda wakhtiba wax cunin. Qaarkood waxaa laga yaabaa haddii ay helaan lacagtii ay cuntada ku gadan lahaayeen in ay door bidaan in ay maandooriye ku gataan.
  3. Hoy iyo daryeel la’aan: carruurta derbi jiif ka ahi ma helaan daryeel iyo hoy u qalma sida caafimaad, waxbarasho, ka war hayn, koolkoolin ama madax u salaaxid IWM.

Saamaynta ay carruurta derbi-jiifka ahi kuleeyihiin kuwa facooda ah

Guud ahaan aadanuhu waxa uu u nool yahay qaab bulsho ah ma jiro ruux keligiis noolaan karaaya xidhiidh la’aan. Jiil kasta oo isku da’aad ah oo meel ku wada nool waxa ay isku leeyihiin saamayn togan iyo mid taban ba.

Carruurta derbi-jiifka aha waxa ay saamay taban ku yeeshaan ku aan derbi-jiifka ahayn ee ay isku meesha ku noolyihiin. Saamayntaas waxaa ugu weyn in qaab nololeedkii ilmaha derbi-jiifka ah uu u gudbo kan aan derbi jiifka ahayn taasina ay keento dhibaato caam ah oo soo food saarto qoysas badan.

Si looga badbaado saamayntaas waa in aan dhug u yeelnaa, daryeelnaa, waxbarnaa oo xanaanaynaa carruurta der-jiifka ah.

Tacadiyada lagula kaco caruurta derbi jiifta ah.

Derbi jiiftu waxey iskugu jiraan wiilal iyo gabdho halka ay gabdhuhu hadda si xawli ah ugu soo kordhayaan, idil ahaantoodna waxa lagula kacaa tacadiyo badan oo ay ka mid yihiin.

  1. Kufsi: waxaa jira gabdho badan oo aan hoy lahayn ama ku nool cushado aan xayndaab difaac lahayn. Gabdhahaani waxa ay u nugulyihii in la kufsado ama lagu handado in la kufasan doono.

Tusaale: wakhti hadda laga joogo sanado dhowr ah ayaan soo maray xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada boosaaso waxaan la kulmay wiil ka mid ah dadka qaxootiga oo magaalada degan oo kufsi ugu hanjabaaya gabar yar oo iyaduna ka mid ah dadka ka soo qaxay dagaaladii koonfurta soomaaliya. Wiilku waxa uu leeyahay waan ku kufsan doonaa haddii aadan hadda ii ogolaan in aan jidhkaaga taabto. Gabadhuna waxa ay leedahay waryaa: kuuma bannaana inaad jidhkayga taabato.tani waa daliil ku tusinaaya in ay jiraan gabdho badan oo ku dhibaataysan gidaarada cidlada ah.halka ay qaar kalena ka dhaxlaan ubad aaney aqoon u laheyn cidda dhashey, iyagoo la mara duruufo adag “ bal qof tiisii u taag la’ oo tu kalena loogu darey ka waran”, waxaa iyana halkaa lagu faafin karaa AIDSka oo kamid ah cudurada aalaaba layskugu gudbiyo galmada(sexual transmitted diseases), kaasi oo si fudud bulshada ugu baahi kara haddiiba aaan wax laga qaban tacadiyadaas lagula kacayo hablaha yaryar ee darbi-jiifta ah.

  1. Garaacid iyo handadaad: waxaa badan in carruurta derbi-jiifta ah dadka maangaab ka ahi ay garaacaan sabab la’aan ama ay ugu hanjabaan in ay dili doonaan haddii ay qaban waayaan waxa ay doonayaan in ay u qabtaan. Tani ma aha wax layska indha tiri karo waxaan aragnaa in garaaca carruurtaani uu u dhoco si maalin la’ ah. Garaaca uga yimaada bannaanka waxaa weheliya mid ay iyagu isku hayaan dhexdooda oo isu dilaan sida ay u kala awood badan yihiin.
  2. Af-Xumo iyo yasid: haddii aad fariisato goobaha laysigu yimaado waxaa marar badan indhahaagu qabanayaan carruur casayyayaal {baalashyaal} ah oo la afxumaynaayo ama lagu jeesjeesaayo. Allaah waxa uu kusoo soo dejiyey suubaneheena muxamed quraan arintaas mamnuucaaya.

قال الله تعالى) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا يَسْخَرْ قَومٌ مِنْ قَوْمٍ عَسَى أَنْ يَكُونُوا خَيْرًا مِنْهُمْ وَلَا نِسَاءٌ مِنْ نِسَاءٍ عَسَى أَنْ يَكُنَّ خَيْرًا مِنْهُنَّ وَلَا تَلْمِزُوا أَنْفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا بِالْأَلْقَابِ بِئْسَ الِاسْمُ الْفُسُوقُ بَعْدَ الْإِيمَانِ وَمَنْ لَمْ يَتُبْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ(

Talooyin ku aadan Sida looga hortagi karo derbi-jiifnimada iyo saamayn tooda.

Haddii aan raacno qodobadaan hoos ku qoran waxaa laga yaabaa in ay wax weyn ka taraan yaraynta derbi-jiifnimada ubadka iyo saamayn-toodaba.

  1. Bulshadu waa in ay ku baraarugtaa in uu dhibka derbi-jiifku ay tahay dhibaato wadareed aan ku koobnaanayn gidaarka uu seexdo derbi-jiifku ee ay tahay mushkulo u soo gudbi doonta ubadka guryaheena ku jira.
  2. Dadka wax haystaa waa in ay kafaalo qaadaan qaar ka mid ah carruurtaan ku dayacan gidaarada cidlada ah.
  3. Dawladdu waa in ay dhug lahaataa carruurta derbi-jiifka ah naf ahaan iyo maadi ahaanba.
  4. Culimada xil ayaa ka saran ku wacyi gelinta bulshada in ay is xambaaraan {iskafaalo qaadaan}.

Gabagabo

Maqaalkan aan ciwaanka uga dhigay dhalaan ku dayacan dugeena intaas Ayaan kusoo koobayaa wixii dhaliil ah ama talo ah oo aad ka dhex aragto fadlan iigu soo dir gmailkan hoos ka muuqda.

Mr.guluf1991@gmail.com

عن Mukhtaar Cabdi Axmed

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x