DABAYLAHA MAANSOONKA

Dabaylaha maansoonku waa dabaylo ka dhaca Badwaynta Hindiya, saameeyn weyna ku leh cimillada Soomaaliya iyo waddamo badan oo ku yaalla koonfur Bari Aasiya.

Mansoonku waxa uu dhacaa labo xilli oo kala ah xagaaga iyo dayrta.
Maansoonka dhaca waqtiga xagaaga waxaa ladhahaa (Southwest Monsoon) halka maansoon ka dhaca dayrta loo yaqaano (Northeast monsoon).

• Southwest monsoon:
Dabaylahan waa dabaylaha ay soomaalidu u yaqaaniin dabaylaha xagaaga waxa ayna billowdaan bisha afraad waxa ayna socdaan ilaa bisha sagaalaad.
Dabaylahan waxa ay waddamo kamid ah qaaradda Aasiya ku sababaan roobab dabaylo iyo duufaanno wata, kuwaas oo dhaliya fatahaado ka dhaca waddamadaas.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in dabaylahan ay sababaan bad xiran, oo baddu ay kacdo waqtiga ay ugu xoogga badanyihiin oo ah bisha siddeedaad iyo bisha sagaalaad.

• Northeast monsoon:
Dabaylahan waxa ay billowdaan bisha tobnaad, waxa ayna socdaan ilaa bisha saddexaad, maansoonkan waxa ay ka awood yaryihiin markii loo eego mansoonka dhaca xilliga xagaaga horayna ugasoo hadalnay.
Waqtigan aynu ku jirno ayuu ugu xoog badanyahay Northeast monsoon ku waxa uuna sababaa in duufaanno ay ka dhacaan xeebaha Soomaaliya ee kulaala badwaynta Hindiya, waxa ayna dhibaato ugaysataa kalluumaysata soomaaliyeed iyo dadka degan dhulka xeebaha ah.
Dabaylahan waxa ay kasoo billowdaan Mongolia iyo Waqooyi Galbeed Shiinaha iyaga oo soo gaara Soomaaliya.

عن Abdirahman Abdi Ali

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x