TABAR NINKII LEH BAA KAALMO LA WAYDIISTAA

Horaantii bishii ” Sep” waxaa Magalaada kismaayo ee xarunta Gobalka jubada hoose Ahna caasimadda ku meel gaarka ee jubbalan Shir ku yeeshay
Maamul goboleedyada soomaaliya
B. Putland
J. Galmudug
X. Hirshabeele
Kh. K.Galbeed
D. Jubbland

Dhawr maalmood oo uu socday shirkaas
Waxa way kasoo saareen in
Ay xiriirka ujareen Dowladda somaliya
Ayagoo ku sheegay in Aysan waxba kala tashanin Arima badan sida Deeqaha dibadda hesheesyada …..

Arintaas waxaay igu dhalisay inaan baaritaan ku sameeyo Arima laxiriir
Xeerarka u dhaxeeya Labada awood ee is garba yaacayo
Maadama aan ahay arday barto
Sharciga ….

Marka laga hadlo qodobada leysku heysta intoo badan waxaa ay ku dul wareegayaan laba qodob oo kamid ah Dastuurka somaliya
Q.54 iyo 53
Hadaba waxaan Si fiican u eegi doonaa
Labadaas qodob
Q.53

WADA XAAJOODYADA CAALAMIGA
==================
Waxaa ku cad sida ay tahay in loo wajaha wada xaa-joodyada
Q.53 f 1 .
Ayadoo laqadarinaayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqeynayo in xukuumadda federaalka Kala tashato xubnaha dowlad gobaleedyada sida Ganacsiga,iskaashiga,xirirada caalamiga
Qodobkaan waxaa sii cadeynaya kan xiga kaasi oo ah waxa lagala xaajonaya in ay yihiin wixii quseeya arimahooda .

Q.54 KALA QAYBINTA AWOODAHA
=========================
Awood qeybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa kawada xaajoonaya
Xukuumadda federaalka iyo xubnaha gobaleedyada marka laga reebo

B- Arimaha dibadda
T- Difaaca Xuduudaha
J- Jinsiyadda socdaalka
X- Siyaasdda lacagta

Intaasi waa lagama maarmaan ah in dowladda kala tashataa wixii intaas aan aheen kuma qasbana dowlada in ay kala tashto , balse waxa lagama maarmaan ah in ay u dhaga nuglaato maadaama aan wali lahelin nidaam buuxa oo kala haga federaalka iyo xubnaha kamidka ah .

Maamuladana waa in Aysan noqon Caqabad soo taagan kalana bartaa arima quseeyo iyo kuwa aan shaqada ku laheen
Sidaas ayaan waxaan uso qaatay oraahda kore . Oo oraneysa
(Tabar ninkii leh baa kaalma laweydiiyaa).

عن Ismaaciil Iidle

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x