WAX IS BARIDDA IYO KAALINTA AY KU LEEDAHAY KOR U QAADIDA AQOONTA GUUD

Ururin:

Qormadaan waxay ka hadlaysaa 《Wax isbaridda iyo kaalinta ay ku leedahay kor u qaadida aqoonta guud》, waxayna ku salaysan tahay baahida ay bulshadu u qabto si ay horumar aqooneed u gaarto, manhajka loo adeegsadayna waa manhajka wasfiga (المنهج الوصفي).

Ugu horrayn Qormadaan waxay ka hadlaysaa qeexidda wax is baridda, oo aan kusoo qaadanay erayo kala duwan oo ay culimadu ku qeexeen, sidoo kale ahmiyadda ay u leedahay wax is bariddu ardayga, oo ay ugu muhiimsan tahay kobcinta aqoontiisa, iyo kordhinta kalsoonida uu ku qabo naftiisa, sidoo kale sababaha keenaya in wax la is baro oo ay ugu muhiimsan tahay tayo xumada xarumaha waxbarashada soomaaliyeed marka loo fiiriyo baahida bulshada.

Qaybaha ku xiga waxay qoraagu uga hadashay waxyaabaha looga baahanyahay ardayga wax is baraya, oo ay kamid tahay akhris fudud, iyo fahan sare, sidoo kale  xirfadaha wax isbaridda laga helayo oo ay kamid tahay gorfeyn cilmiyeysan, qiimayn waxtar leh, iyo qorsheyn tayeysan.

Ugu dambayntii waxay qoraagu ka hadashay kaalinta ay ku leedahay wax isbariddu abuuridda fursadaha shaqo.

Daraasadaan waxaa kasoo baxay in wax isbariddu ay ahmiyad wayn u leedahay ardayga noloshiisa, gaar ahaan xiliga uu waxbarashada ku jiro.

عن حواء علي محمد

باحثة في الشؤون الاجتماعية

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x