SAKADA FIDRIGA & FIQIGA MAANTA – SOOMAALIYA

Sakada Fitriga (زكاة الفطر ) bixinteedii ayaa la joogaa Jaalle , qofkiiba waa laga rabaa oo awooda, haystana Wax ka badan Wuxuu cuno Habeenka iyo Maalinta Ciidku Soo gelayo ! Qiyaasteedu. 2.5 kg oo ah quutul qaalibka (قوت الغالب ) Magaalada uu degan yahay ama qiimaheeda oo lacag ah.(حسب ظروف المحتاج).
Magaalooyinka waaweyn in lacag lagu bixiyo ayaa u sahlan bixiyaha, (الغني) una faa’iido badan la siiyaha. (المسكين) waayo waxa jira jaalle Qoysas u baahan Iidaan iyo Qusaar ,sodaa owgeed waa in la siiyo Lacag ay ku soo iibsadaan (Adeeg).
Waqtigeedu waa inta ka horeysa salaadda ciidda oo aan weli La aadin Masallaha (المصلى ) ku darso Jaalle xilligan la joogo waad bixin kartaa (قبل يوم العيد).wax dhibaato ahna kuma Sugna in la bixiyo wakhtigan (وقت الإمكان ).
Shareecadu maxay ka Qabtaa in sakada loo diro Magaalo kale ama Waddan kale oo Muslim ah,waa hagaag .jaalle haddi ay Baahu ka jirto Meesha aad ku nooshahay Waa kaa xaaraan inaad Meelke Keyso waayo doolaalo !
Waxana kuu fiican inaad laqaybsato Dadka deriska kula ah,jiiraanka,Xaafdaaha,Ahelka iyo Macaariifta Gaarka ah ee Baahida u Qaba in Lasaacido.
Dadka ku Nool dibadda (الأقليات المسلمة ) waa isasiin karaan iyaguna meesha ay ku Noolyihiin Waa hadii Baahi jirto! Haddii kalese waxa ay u dirikaraan Waddankasta oo ah Muslin Baahina ka jirto .
Sakada mala geyn karaa ama loo Qaadi karaa Nin degan baadiye(اهل العمود)oo haysta Labo diro oo adhi ah ama ka badan ! Jawaabtu waa maya .waana xaaraan in Hab qabiil iyo Qoys loo bixiyo ,lagana gogeeyo Furada Magaalada (فقراء المدينة ) .waayo iyagaa Mudan in la siiyo !
Cuntooyinka mudan Lagu bixiyo wakhtigan (وقت الحاضر) Hilibka (اللحم) Bariiska (الارز) Baastada ( المكرونية) Iyo in lagu Bixiyo Lacag (النقد) .laguma bixin karo waxyaalaha loo cuno Faakihaysiga Sida: Timirta (التمر) Khudaarta. (الخضروات )Miraha (الثمار) iyo wax kasta oo geli kara Faakihaysi (الفواكه).
Malagu Bixin karaa Wakhtigan Sarreenka, Haruurka,Qalleyda, Digirta iyo wixiii la halmaala ? Jawaabtu waa kooban tahay jaalle ! Meel kasta waxa laga bixinayaa wixii laga Cuno loona Adeegsado Cunta Maalmeedka joogtada ah (قوت اليوم ).
Haddii aan laga Adeegsan Gobolka Aad joogto Dalaglggan aan soo sheegay Jaalle how geyn Masaakiinta Haruur iyo Digir. Ugey waxa ay caado ahaan u cunaan sida Bariis iyi Baasto ama Lacag Ugu Qiimay.

عن Abwaan Maxamuud Cali Aadam Hoorri

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x