QAYBAHA MAANSADA

Hordhac

Af-Soomaali:

Af-Soomaaligu waa luuqad kamida luuqadaha dunida korkeeda looga hadlo, waana mid kamida afafka ugu muhiimsan geeska Africa.

Af-Soomaaligu waa luqo hodan ah geeskasta oo loo eego taasna waxaad ogaan kartaa markaad sii dhex gasho moolkeeda.

Waxaana looga hadlaa wadamo kala duwan sida Soomaaliya, Jabuti, waxaa kaloo si wayn loogaga hadlaa qaybo kamid ah wadamada Ethopia iyo Kenya.

Af-Soomaaligu waa af ay xuruuftiisu laatiin tahay dhawaaqiisuna uu carabi yahay.

Af-Soomaaliga waxaa la qoray sanadku markuu ahaa 1972.

Af-Soomaaligu lahjad ahaan waa labo qaybood oo kala ah 1.Af maay iyo 2.Af maxaa tiri.

  1. Maxaa tiri: waa lahjada ugu caansan looguna isticmaalka badanyahay, af ahaana waa halbeegga Soomaaliyeed ee wax lagu barto waana kan qoran.
  2. Lahjada Maay: waxaa inta badan looga hadlaa Koonfurta Soomaaliya meelo kamid ah.

Af-Soomaaligu guud ahaan waxa uu u qaybsamaa labo qaybood oo waaweyn oo kala ah Tix iyo Tiraab ama hadal iyo murti.

Tiraab

Waa maxay Tiraab?

Tiraabtu waa qayb hadalka kamid ah taas oo aan lahayn ridmo iyo qaafiyad u gaar ah, sidoo kalena ma ay jirto xaraf ay ku socoto. Tiraabtu waxa ay ka koobantahay Murti, Sheeko, Googaalaysi, Oraah iyo qayb kamid ah Maahmaahyada.

Tix

Waa maxay Tix?

Tixdu waa qayb hadalka kamid ah waxayna leedahay xeerar u gaar ah iyo qaafiyad u gooniya oo badanaa xaraf ku socda isla markaasna tuduca horay ama dhexda ka gala kuna soo noqnoqda ilaa labo, saddex ama afar jeer. Tixdu waa suugaan, suugaantuna waa maanso, maansaduna waxay ka koobantahay qaybo badan, waxaana ugu waaweyn:

  • Gabayga
  • Geeraarka
  • Jiifto
  • Masafada
  • Buraanburka
  • Guurowga iyo
  • Shiribka
  • GABAY

Waa maxay Gabay?

Gabaygu waa boqorka maansada, waa madaxa suugaanta.

Gabaygu waxa uu ka hadlaa wax hore u dhacay, waxa hada jooga iyo wax soo socda intaba. Gabaygu waa hadal murtiyeed taxan oo ka kooban beydad mid waliba isugu xiranyahay labo qaar oo leh qaafiyad iyo miisaan ka dhexeeya.

Khasab ma ahan gabaygu in uu dheeraado oo waxaa gabay noqonkara tix hal bayd ka kooban iyo wixii kasii badan, laakiin waxaa muhiim ah gabaygu in uu lahaado murti lagalasoo dhexbixi karo ama loo markhaati doonankaro maalinta raggu geedka shirka wada joogo, tusaale ahaan tixdii Qamaan Bulxan ee ay kujirtay

baadida nin baa kula daydaya daalna kaa badane

Aan doonahayn inaad heshana daa’im abidkaaye

Dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne”.

Haddaba aan idiinso bandhigo tusaaleyaal kale oo koob kooban, si aan idiin tuso badnaan iyo yaraan in uusan gabaygu kala lahayn.

Faarax Daad:

“Aduun gabana ubad wada hablaa oori kululaatay

Waa waxaan sidaa ula engagay urugadoodiiye

Ilma adeeradaa geela waa igu agmaalaan

Ayaantii kastana boostadaan ku agwareegaa

Haddaan aradka gaalada fadhiyo kuma ilaaween

Haddaan aabahaa ahay maxaad ii anficiwayday”.

 

Gabyaa kalena wuxuu yiri:

“Lacagtaan maqdarad gaynayo een magac ku doonaayo

Alle magane maan hooyadey maro usoo siisto”.

Cabdullahi Muse:

“Istaageerid bay laba gacmood tabar kuyeeshaan

Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidixe

Hadday midigtu kali taagantahay tahar ma goyseen”.

Yawle wuxuu yiri:

“Ninkii madi ahaadaaba waa maxamadow quuse

 Ma magoolo geed kaliyahoo milic ku yaallaaye

Inkastuu mayay qooyo waa muruxsanaadaaye”.

Cabdullahi Suldaan Timacade:

“Garbaduub haddii loo xiro ood gaarna ka ahaato

Gacantii ninlihi goynayaa waa gomodantaaye

Nin walaalki geed ugu jiraa geesi noqon waa”.

 

Maxamed Nuur Laangare:

“Indhooluhu ninkaa wada hadduu diido amarkiisa

Inakeen macruufkii hadduu amar kasii qaado

Usha inuu usii daayo soo wax u ekoon maahan”.

Gabyaa kalena wuxuu yiri:

“Hadday dunidu tiir leedahoo lagu tanaadaayo

Oo niman ku taajirahayaan taaladan aan joogno

Toolmoonihii Maxamed baan laga taxaabeene                                                  

Ogoobay turaab lama gasheen Nebigii toosnaaye

Maxaan toban riyaad uga welweli tay u meel li’iye”.

Haddii aan Af-Soomaaliga u kala qaadnay labo qaybood oo waaweyn, gabaygu wuxuu ka tirsanyahay qaybaha tixda lagu magacaabo. Abwaankii caanka ahaa ee kamid ahaa boqoradii maansada Soomaaliyeed Raage Ugaas waa tuu isagoo arintaas inoo caddeynaya lahaa “Hadal waa tiraab iyo tix uun, waxaad tiraahdaaye.” Oo uu ula jeedo hadalkasta oo afkaaga kasoo baxa inuu labadaas mid uun yahay.

Gabaygu qaran ahaan waa hadal, qabiil ahaanna waa suugaan, qoys ahaanna waa maanso, qof ahaanna waa gabay. Hadal wuxuu kaga tagay wixii aan murti ahayn ee hadal uun iska ah, suugaanna wuxuu kaga tagay sheeko, maahmaah, majaajilo, iwm. Maansana wuxuu kaga tagay geeraar, jiifto, buraanbur iyo dhammaan noocyada heesta. Mudooyinkii hore, gabaygu waxa uu ahaa is-gaarsiinta ugu muhiimsanayd ee warka lagu kala qaadan jiray, sidoo kale wuxuu ahaa qayb kamida hantida xiligaas dadku haystay, maxaa yeelay gabaygu mararka qaarkood xoolo ayaa lagu heli jiray, gabdho ayaa lagu heli jiray, qadarin iyo qiima wayn bay bulshadii waa gaas u haysay qofka gabyaaga ah ee hibada ilaahay u siiyay.

Gabaygu waa hibo uu qofka Alle ku mannaysto ee aan la iska samaysan Karin ku dayashana ku imaan Karin.

Hadaba aan soo qaadano tixdii Abwaan C/laahi Macallin Dhoodaan, kaas oo daaha ka qaadaya in uusan ahayn gabaygu wax la is barikaro sida cilmiga kale, ama tababar lagu qaadan karo, dadaal iyo halw-kar nimana lagu hanan karo. Ee uu yahay deeq uu Alle qofkuu doono siiyo. Wuxuuna yiri Abwaanku:

  –Dirqi gabaygu kuma fiicna iyo, waan darooryamiye

  -Kaga dayasho door kuma noqdiyo, xaraf la doondoone

  -Duxna kuma leh dheef lagu dalbiyo, ugu ducee ruuxe

 

–  Dardarsiintu waw daran tahaye, marindaygaw uroone

–  Darsi ma aha la is baro xigmadi, way da’ weyn tahaye

–  War waa deeq Ilaahay baxshiyo, doobir gooni ahe.

Gabaygu uma baahna koox ka shaqaysa sida riwaayadaha, uma baahna taageerayaal badan oo ka daba jiibiya abwaanka alifa sida dhaantada iyo heesaha hawsha fududeeya sida ceel shubidda, uma baahna sacab iyo qalab kale oo loo garaaco si habdhacu u hagaago, uma baahna cag iyo jaan midna, umana baahna tifaftir iyo war hebelow isha iga mari.

Yuusuf Qabiili isagoo isna sifaynaya farqiga u dhexeeya gabayga shin-u-dhaladka ah iyo midka qoorqabadkaa ee xaraf doondoonka lagu sameeyo waa kii lahaa:

–  Haddaan gabayga uurkoo bukiyo, arami kaa keenin

–  Asaan olol jacayl iyo xanuun, kugu ijbaaraynin

–  Afkuun baad kaleedee tixuhu, arar ma yeeshaane

Gabayga waxaa loo tiriyaa ama loo curiyaa ujeedooyin badan, waxaana ugu caansan:

  • Amaanta:

Amaanta lafteeda ayaa dhowr jaad ah waxaana kamid ah amaanta dumarka, amaanta geela, amaanta fardaha Iwm.

Sidoo kale waxaa la arkaa in gabyaaga qudhiisu uu tiriyo tix uu isku amaanayo ama uu gabyaa kale ku amaanayo.

  • Digashada:

Digashadu waa marka gabyaagu uu arko qof cadawgiisa uu u arkayay oo maalintaas talo ka liicsantahay ama laga awood batay, inkasta oo aysan habooneyn in qof islaama oo dhibaataysan lagu digto hadana gabyaagu waxay u ahaayeen arimahaasi kuwo iska caadiya malaha diin ahaana uma aaminsanayn in qof lagu digto inay sax tahaye waa waxay caro iyo xinifi ka keentay baan oran karaa.

Tusaale aan usoo qaadano tix digasho ahayd oo uu tiriyey abwaankii waynaa ee la oran jiray Cali Aadan Gorayo (Cali Dhuux) isagoo ku diganayey darwiishkii misana gabyaaga ahaa ee Sayid Max’ed C/lle Xasan, wuxuu yiri Cali dhuux:

  • Waa lagu digtaa duul hadduu kuu darnaan jiraye
  • Daaduunka uu Maxamed qabo waan ku diirsadaye
  • Bal dayaay wadaadkii wakaa sii dabayshadaye.
  • Inkasta oo uu gadaalkii danbe Cali dhuux ka towbad keenay hadana xilliyadaas aad buu ugu diirsanjiray dhabar-jabka wadaadka.
  • Guhaanka

Guhaanku waa gabay habaar ah, nin la oran jiray ina Weysaxume oo goobihii daraawiishtu ka talinjirtay deganaa ayaa waxaa la wariyaa in ninkaas uu xoolo ka dhacay Koofil ninkii la oranjiray ee ahaa hogaamiyihii ciidamada ingiriiska xilligaas. Waxaa nagasoo gaartay tixdan uu ku guhaamay Koofil waana tan:

“Sayidkoo wax galay raacdadoo la iskusoo gaaray

Adiga iyo gubniga aad wadaa gobotaal noqo e

Gidligaanku kaa joogsay oo guuxa kaa damiye

Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye

Afkuna gow kuyiri xaajadaad gees u badisaaye

Guga ha gaarin adigaa tolkay gaajadaas badaye”.

Sida taariikhda ku xusan ina Weysaxume Ilaahay habaarkiisi waa u aqbalay isla waayihiina gaalkii Koofil six foolxun baa loo dilay

  • Jaceylka

Maansada Soomaalida aad bay uga dhex muuqataa qaybtani, waxaa la heli karaa maanso gabay iyo geeraarba leh oo si talaxtag ah jaceylka loogu xusayo. Waxaan shaki la galinkarin marba haddii gabay iyo jacayl meesha soo wada galeen in aan Raage Ugaas magaciisa iyo mirihiisaba aan meesha laga waayeyn

Run ahaantii Raage Ugaas wuxuu kamid yahay Abwaanada Soomaaliyeed ee qaybtan jaceylka looga danbeeyay, tixo dhowra oo arimahaas la xiriirana laga hayo, khaas ahaan qaybta calaacalka loo yaqaan.

Waxaa la wariyaa in Raage Ugaas gabar u doonanayd oo qurux Illaahay ku manaystay aadna uu u jeclaa loo meheriyey Faarax Wiil-waal.  Warkii

Markuu Raage soo gaaray ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan layidhaahdo Alleyl Dumay kana mid ah tixihiisi jacaylka ahaa.

Xilligaas way adkayd in guur iska daaye lahawaysto gabadh u doonan  nin kale khaasatan rag-adagaaga, nin karmeedka, haday dhacdana waxaa lafilan jiray halaag, basbeel iyo moore-duug waana kan gabaygii.

Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday

Onkad yeeray uugaama roob, alif banaadiikh ah

Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye

Raggase araxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye

Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye

Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og

Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye

Orod uma holado ooglihii araxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye

Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye

Sidii inan yar oo hooyadeed aakhiro u hoyatay

Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay

Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e

Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye

Ninka ooridiisii Nin kale loo igdhaan ahaye

Nin ugaas walaalkii yahoo eeday baan ahaye

Afdhabaandhow aayara ninkaa aamusaan ahay.

Bal aan eegno qaybo kamida tixihii jaceylka ahaa ee boqorkii jaceylka Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari)

Sidii geel harraadoo wax badan hawdka miranaayey

Oo haro la soo joojiyoo kureygu heegaayo

Oo hoobey loo qaaday iyo hadal Walwaaleedka

Kolkaad Hodan tiraahdaanba waan soo hinqanayaaye

Hadday hawl yaraan idin la tahay aniga way hooge

Ayadoon xabaal lagu ham siin waanan ka harayne

Hammada beena baan idhi malaha waad la hurudaaye

Hareertayda oo madhan is idhi haabo gacanteeda

Goortaan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday

Hogaansigeedii dambaan soo habaabiraye

U haylhaylay gogoshii sidii halablihii Aare

Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye

Haab-haabtay labadii go’oo shaarkii maan heline

U hamiyey sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene

U handaday sidii geel biyaha hoobay loo yidhiye

U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene

U hiqleeyey sida naag la yiri huray dalaaqdaaye

Wax aanad haynin ood ku hammidaa hadimo weeyaane

Ho-heey iyo Ho-heey maxaa hadimo la ii geystey

 

 Kana waa tusaale kale oo kamida gabayadii Cilmi:

Dayax iiga muuqdheer  

Nimanyow dabuub gabay beryahan kuma danuukhayne

Kolba aniga oo daayey baad igu diraysaane

Idin diidi maayee waxaan dood u celin waayey

Mid duushoo yarbaa Eebahay iigu daw galayey

Aqal daahyo weyn derged iyo daar middaan galaba

Dalaalimo habeenkii haddaan meel dudo ah seexdo

Dayax iiga muuqdheer midduu duunku caashaqaye

    Iga daaya hadal qaadkeedu waa iiga darayaaye  

  • Baroordiiq:

Baroordiiqa waa jaadkale oo ka mid ah munaasibadaha laga maansoodo.
Qaybtani waa calaacal, wuxuuna kamidyahay qaybaha ugu tirada yar maansada Soomaalida ama marka loo eego dhinacyada kale ee gabayga sida: diradiraha, amaanta, guubaabada iwm. Qaybtan baroordiiqa loo yaqaan waxaa ka maansooday rag tiro yar oo ay kamidyihiin Raage Ugaas, Cali Jaamac Haabiil, Xasan shiil iyo gabyaagii la oranjiray Yuusuf Ibraahin (Yuusuf dheere). Hadaba aan soo qaadano tix baroordiiq ah oo uu tiriyay Raage Ugaas. Sida lasheegay Raage ugaas wuxuu gabaygan ka tiriyey geeridii xaaskiisii Faadumo ee uu sida xad dhaafka ah u jeclaa qalbigiisana ku daabacnayd.

Raage Ugaas      (Gabay baroordiiq)

Sida koorta Yucub oo la suray, koromo buubaal ah

Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi

Ama koox arda ah, oo quraan kaadibka u toostay

Ama beelo kaynaan ah, oo kor u hayaamaaya

Ama geel ka reeboo nirgaha, laga ka xaynaayo

Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay

Ama habar kurkii keli ahaa, lagaga kaw siiyay

Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhaal yaabis

Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye

Kanbalkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?

Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?

Wixii rag igu kuunyay miyaa, igu karaamoobay?

Kob abaar ah oo dhexe miyaa, koore ila meeray?

Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?

Maantana kataantii miyaa, layga kala tuuray?

Kun iyo kow kurtood dumar haddii laysku wada keeno

Kolna waxaan la helahayn haween faadumoo kale e

Cali Jaamac Haabiil:       (Gabay baroordiiq )

Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda

Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay

Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey

Dar guryii ka yimid baa war baas iila soo galaye

Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene

Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge

Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille

Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e

Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi

Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado

Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba

Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo

Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi

Geb hadday maritidu soo tidhaa goor uu nala joogo

Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo

Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado

Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo

Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo

Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi

 

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay

Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka

Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho

Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa

Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo

Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba

Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi

 

Gugoo da’ay aroosyada haddii gowda laga saaro

Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada

Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro

waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey

Gole igu bannaanaa wallee garab la’aaneede

Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi

 

Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe

Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone

Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane

Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi

 

Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye

Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaane

Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye

Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi

 

Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebada taagan

Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (scw)

Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye

Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye

Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin

Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo (scw)

  • Guubaabada iyo

Labadan qaybood ee guubaabada iyo Diradiruhu way iskusoo dhawyihiin xagga ujeedka, laakiin waxa ay ku kala duwanyihiin gabayga guubaabada ah waxa uu noqonkaraa mid wadani ah oo si guud umad ama dawlad uu gabyaagu u guubaabsho. Balse Soomaalidu inta badan gabayada guubaabada ah iyada dhexdeeda ayaa isku adeegsanjirtay. Halka uu gabayga Diradiraha ahi uusan marnaba asagu wanaagsanayn. Sababtoo ah gabayga Diradiruhu markasta laba reer ama laba ruux ayuu iska hor keenayaa, taasna ma bannaana.

Waxaa si farshaxanimo leh uga maansooday siyaabaha maansada loo curiyo Ibraahim Sh. Saleebaan (Ibraahim Garle) wuxuuna yiri:

“Maansoy nin kugu duul
Nina maalin kugu dood
Nina dhuuni kaa doon
Nina darajo kaa dhigay
Nina nabarka kugu damaq
Nina dakharka kugu dhayay
Nina doogta kugu kici
Nina ololka kugu dami
Nina nabada kugu didi
Nina balada kugu dadab
Nina dookha caashaqa Kaadhigay daf lootumo…”

  • GEERAAR

Waa maxay Geeraarku?

Geeraar: – waa martabada labaad ee maansada marka laga yimaado gabayga. Waxa gabayga lagaga soocaa qaab dhismeedka iyo dhererka meeriska. Geeraarku wuu mar dhacaa.

Tusaale geeraar                                  (Cali Bucul “amaan faras”.)

Gammaan waa magac duudoo

Sanga aan gabanayniyo

Magaankii godonaa iyo

Geenyadii dhadigayd baa

Gabigood ka dhaxaysoo

Haybta way isku gartaan

  • JIIFTO

Waa maxay Jiiftadu?

Jiiftadu waa qaybkale oo kamida qaybaha maansada.

 Jiiftadu waxay kaga duwantahay mansooyiinka kale gaabnida meeriska iyo habdhaceeda oo kooban. Waxa inta badan loo isticmaalaa heesaha iyo afarayda la is dhaafsado ruwaayadaha. Qaafiyada xarafku waa inuu ugu yaraan hal mar ku jiro bayd kaste.

Tusaale waxa kamida               (Mirihii Axmad Saleebaan Bidde ee uu ku luuqaynjiray Maxamad Axmad kuluc)

Sida geed caleenloo

Ubax guudka qariyay

Ooy gooni laamaha

Ay midiba geesteed

Hoobaan is gaadhiyo

Guntin mira ah leedahay

Oo soo gandoo doo

Galka faraqa soo daray

Oo godon barwaaqao ah
durdur aan go’ayniyo
gacan webi ku yaala

Oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay.

Gabadhyahay kalgaclbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa

Waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin………

  • MANSAFO ama Masafo

Waa maxay Mansafadu?

Mansafadu waxay kamid tahay bahaha maansada. Waxay jiiftada kaga duwantahay meeriska oo ka yara dheer jiiftada iyo habdhaca. Jiiftadu waa mar dhacdaa laakiin mansafadu way laba dhacdaa.

Tusaale waxa kamida                          (Xaaji aadan afqalooc, silsiladii “Siinley”.)

Ma seexane cambaro sagal samaday u boodaye

Sahankeedu wuxu gaaray saxalkiyo mariikhee

Subax noolba waxa jooga saacad qura ma moogine

Sabrina mayso jeerooy suuban u ciyaartee

Siciida iyo deeqina sacabka way ka boodiye

Wuxu soo sidaa odagu waa siyaakhadoodee

Siinka iyo saadkaad kala sooci waydee

Ninka soo socda ha celin sarbeeb weeye heestuye

  • BURAANBUR

Waa maxay Buraanburku?

Buraanbur: – buraanburku waa qayb kamida maansada soomaalida. Wuxu gaar u yahay dumarka, waxana la tiriyaa wakhtiyada farxada iyo guubaabinta. Wuxu leeyahay meeris iyo qaabdhac gooniya iyo qaafiyada oo laga bixi karo, taasina waxa weeyaan in xarafkii ay qaafiyadu ku socotay laga bixi karo oo marka dhawr bayd la tiriyaba xarafka kale la galayo.

Tusaale waxa kamida                          (Cibaado maxamad)

Hooyo iisoo dhawow dhegta iga maqal

Dhawaaqaan irina dheeldheel ayaanu noqon

Been ha u qaadan beerkuu kasoo go’ee

Ceebta waa laga fogaadaaye feejignow

Ayaanu ceeshoonin wiilkaa kusoo calmaday

Ciidan wuxu kariyay cunnadiisu yaanay noqon

Inta xigtada u ah iyo gacalka wada xurmee

  • GUUROW

Waa maxay Guurowgu?

Guurow:- guurowgu waa gabay ama godka gabayga ayuu soo galayaa. Meeriska iyo habdhacaba way isku dhawyihiin, laakiin sida loogu luuqeeyo ayuu kaga duwanyahay gabayga. Waxana inta badan laga isticmaalaa koonfurta soomaaliya.

Tusaale:                       ( Shamso Cali Macallin )

Soomaaliyay toos su’aashayda dhegansada

Sarbeebtiyo tusaalaha waa inaad la socotiin

Sokeeyiyo xigaaliyo wiil iyo seediyaa nahay

Sodoh iyo igaarkeed

Soomaaliyoo idil kala soocmimaysee xarig soohanaa nahay

Sidii hore si dhaanteey umaddaan sugaysee horta ma u samaynaa

Sacabkoo la tuma iyo ayidaa saxiixee qalin ma isa saarnaa

Soomliyeey toos hawsha saas halagu wadeey….

  • SHIRIB

Waa maxay Shiribku?

Shiribku wuxuu isaguna kamid yahay bahda maansada. Wuxu leeyahay miisaan iyo meeris gooniya, waxaana lagu gartaa qaabka loogu luuqeeyo.

Tusaale waxa kamida.

Hogaankii dalka waa heblow, idinna waa hor joogsateen

Haramacas hilib qaatayaad, kadaba habhab leedihiin

Hub cusub ninka soo heloo, heshiiska diiday waa heshaa

Hadaad ka hilba hugsateen, himiladiinii waa hesheen

  • SAAR

Waa maxay Saarku?

Saar:- inta badan saarka aad looma adeegsado, waxa isticmaali jiray sugaanyankii la oranjiray Carays Ciise Kaarshe Allaheha u naxariistee. Waxa loo qaada qaab gooniya oo isaga u gaar ah.

Tusaale waxa kamida                              (Carays Ciise Kaarshe)

Siin looxaa lagu dhigaa

Sadar waa la akhriyaa

Socdaal waa loo kacaa

Sakada waa lala baxaa

San waa laga neefsadaa

Sariir waa lagu hurdaa

Sidii kale waxan lahaa.

 

عن Saacid Maxamed Kooshin

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x