TAXANAHA KASMO & KASIIS – QAYBTA 4AAD

ABWAAN MAXAMUUD CALI AADAM HOORRI, Abwaan & Qoraa

Ururin:

Taxanaha kasmo &kasii  tirsigiisa 4aad ,  waxa aan ku eegaya jaalle riciradan soo socda oo kala: sooyaalka dhirta, sooyaalka Agabka soomaalida , inagoo iftiiminayna  ama ku turun-turooneena  wixii aan ka garano. dhirtu waxa ay ka mid tahay  hantida  ay leedahay soomaalidu, waagii hore waxa ay  dhirtu ku jirtey  kaalinta koowaad dhanka nolosha iyo dhaqankaba ,  waayadan dame  jaalle  waxa muuqata in loo guntadey  qaabkii loo xaalufin lahaa dhirta.

     Sidoo kale jaalle waxa aan ku eegaya tirsigan wixii aan ogaal iyo aqoon ka gaarno {agabka soomaalida} soomaalidu waxa ay lahayd jaalle sanco ku qotonta farsamo iyo farshaxan buuxa, waa hagaage jaalle waxa aan u baahanahay oollimaad iyo olole lagu baafinayo agabka  soomaalida.

       waxa aan ku soo qaadanaya  hordhacan maanso aan curiyey  5-12-`2015 , waxa  aan kaga hadlaya  qiima dhaca lagu sameeyey dhirta ,  jaa waa  geedkii laquursaday  ! oo hadlaaya cabbiraaya dhibka loo geystey ! waa kan   jaalle leh : ku maan ahay! waa maxay u jeedaaddu? “hadalka dhayda ka cadday” !   magacaygu waa gee , geed gaasiraan ahay! ogow waxaan ahay caawiye aan la’ogayn , kaa soo u baahan hiil “qaran” iyo hoo “waayeel”! waa hagaag ! igu soo dhowow aan gaa-gaabsi kuugu sheegee waxa ka guuxaaya dubaaqayga iyo damiirkayga garasho, “hiil waa hiil” “tacabna yeelkii”

عن Abwaan Maxamuud Cali Aadam Hoorri

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x