
Abwaan Maxamuud Cali Aadan Hoorri Gacan-yare, Abwaan & Qoraa
Taxanaha kasmo &kasiis tirsigiisa 3aad, waxa aan ku eegayaa jaalle Riciradan soo socda oo kala ah: sooyaalka guurka soomaalida , Eed hooyo laga galay ” oo ah riyaawad uu qoray Abwaan Maxamed xaashi dhamac Gaariye, sidoo kale jaalle waxaa tirsigan ku jira qormo uu qoray Abwaan siciid saalax Axmed Sugule, taas oo ku suntan “kaalinta ay ku leeyihiin dumarku suugaanta” .
ku darso jaalle waxa aan wax ka tilmaamay Kaalinta suugaaneed ay leedahay hooyada soomaaliyeed Hooyada iyo suugaanta dhallaankaiyo iyo sooyaalka hees howleedka soomaalida , oo laysku waa faqsan-yahay in ay tahay suugaan hooyo soomaaliyeed curisay .
jaalle waxa aan sidoo kale hordhan kooban kuugu soo gudbinayaa Maanso aan curiyry 3/1/2019, Maansadaas oo aan ugu wan-qalay magaca baraarug, Anigoo jooga Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
waxa ayna ka hadlaysaa Arrimo kala Duwan, si gaar ah wax ay ula hadlaysaa Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku Barta Dalka, lana Daalaadhacaya Colaadaha, Fakhriga, Dhibka, Aqoon_yarida iyo Ka soo Kabashada Burburkii Qurmuunaa Ee soo maray dalka Soomaaliyeed, Jaalle jiiftani waa hoga tusaalayn, dhiirrigelin, waddanid, Tiraab ah qaylo dhaan iyo baaq qaran, oo ku Socda dhammaan bahda wax- barashada kala duwan, Sidoo kale jaalle waa Hayaan, Hiraal ,Tusaalayn , Tilaamaamid iyo xiiso gelin Buuxda.