Hibo Ma leedahay?!

Bishaaro Cabdicasiis Cabdalle, Qoraa

Si guud ahaaneed nolashaan aan ku noolahay  waxaa ugu qiimo badan waqtiga , waqtigu waa kan eebbe wayne uu ku dhaarto , marar fara badan quraanka kariimka ah  muhiimada uu leeyahay , dad badan oo kala  duwan ayaa iyaguna ka qoray qormooyin badan , qaabka looga faaidaysto , ahmiyada uu leeyahay iyo wax waliba oo ku saabsan waqtiga  iyo qaabkaan uga faa’idaysan lahayn .

 kaliya waxan ka eegaynaa meeqa waqtiya ayaa naga soo hara si aan uga faa’idaysano inaan ku ogaano hibooyinkeena , xirfadaha aan leenahay , iyo waxyalaha aan ka helo farxada , sida akhrinta .

sida la wada ogsoonyahay xikmad ayaa oronaysa “waajibaadku waxa ay ka badan yihin waqtiga” waa marka aan si saxa uga faa’idasano e , alle wuxuu leyahay isagoo la hadlaya nabigiisa NNKH “markii aad firaaqo hesho alle u laabo oo ducayso ama cibaadayso”  (فإدا فرغت فانصب وإلى ربك فارغب).

Halkaas waxan ka fahmaynaa inuusan jirin waqti firaaqa ah oo uu leeyahay qofka muslimka ah ee xataa sacadaha shaqo la’aanta ah ay u taal shaqada aakhiro oo u baahan waqti .

Sidaas darteed waxa la gudboon qofka muslimkaa inuu barto sadex arimood si uu oga guul gaaro ilaalinta waqtigaas amaanada ah , waana   kala duwananshaha:

1: xirfad : oo ah wax la barto si qofku ugu kasbado khibrad aqooneed ama ugu abuurto shaqo taye leh waana wax la baran karo waqti walba iyo goor walba .

2: hibo : waa wax qofku ku dhasho si dabiiciya uusane waqti ku bixin barashadeeda taasi  oo loo bahan yahay inuu qofku uga faidaysato si saxa , kuna caawinaysa  inuu waqtigiisa ku ilaashado uguna faa’idayo bulshadiisa .

3: hobbi : am aka helitaan  ,waa waxa  qofku uu  u samayo ka helitaan ama ku raaxaysi si aan iskalifaadi ku jirin , tusaale inuu jecel yahay akhriska , ciyaaraha , wax dhigida .

Sadexdaas qodob oo aan kala fahanaa waxay naga cawinaysaa waqti badan oo aan ku lumin lahayn meelo kale inaan ku intifaacno si saxa umadana uga faaidayno .

Inta badan dadka somalida ah waxay xooga saaraan barashada xirfada si ay ugu kasbadaan  nolol maalmeedkooda  , taasi oo keenaysa in qofku waqtigiisa inta kasoo hara shaqada uu ku bixiyo fadhi-kudirirka iyo maqaaxiyaha ,  halkaas oo ay ku dayacmeen musuuliyaad badan oo  saarnaa ragga soomaaliyeed , halka dumarkuna ku bixiyaan waqtigooda waxan faa’ido u lahayn badan .

Markii masuuliyadaha la dayaco waxaa ka dhasha burbur iyo dib u dhac , waqtigii loogu tala galay inuu qofku ku  dhismo maskax ahaan iyo jir ahaan wuxuu isu badalayaa inuu dumiyo umadda  oo qofku ku kaco falal aan anshax ahayn markii uu helo waqti badan oo meel uu ku bixiyo waayo .

Barashada inuusan jirin waqti firaaq la leeyahay  waa markii aan gaarno bisayl aqooned badan waana halka aan bulsho ahaan ka aradanahay .

Waa inaan is waydiina mar walba su’aalahan :

Maxaaan hibo u leyahay ?!

Maxaan xirafad u leeyahy ?!

Maxaan hobbi u leyahay ?!.

Kadibna arag is badalka ku dhaca nolashaada .

La soco Q2.

 

عن Bishaaro Cabdicasiis Cabdalle

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x