(?DHALINYARADA DADKA FURTA (MAXAA KEENAY, MAXAASE LAGU XALLIN KARAA

SAALIM CABDIWAHAAB SAYID, QORAA IYO CILMI BAARE

URURIN:

Qormadaan waxay ka hadlaysaa “dhalinyarada dadka furata, maxaa keenay? Maxaase lagu xallin karaa?”, waxay diiradda ku saaraysaa sababaha, baaxadda, saamaynta dhibaatadu keentay, iyo qaabka loo xallin karo, waxaa loo adeegsaday qormadaan manhajka daraasadda xaaladda (منهج دراسة الحالة).

Qoraagu wuxuu cutubka 1aad uga hadlayaa halbeegyada uu cuskaday iyo xogta dadkii buuxiyey foomkii su’aalaha ama (questionare-ka), sidoo kale wuxuu iftiiminayaa sooyaalka taariikheed ee wax furashada.

Cutubka 2aad wuxuu qoraagu kaga hadlayaa xaaladaha iyo da’aadda dhalinyarada dhibaatada ku haysa bulshada, sabaha ku kallifay inay wax furtaan, noocyada iyo baaxdda dhibta ay gaystaan.

Intaas kaddib wuxuu qoraagu ku muujinayaa cutubka 3aad ee ugu dambeeya aragtida dadka ee ku aaddan xalka dhibaatada, iyo masuuliyadda cidda iska leh.

Ugu dambayn waxay daraasadaan muujinaysaa baahida loo qabo in lagu xalliyo dhibaatada hababka ugu haboon iyadoo la tixgalinayo baahiyaha dhalinyarada, iyo baahiyaha bulshada.

عن Saalim Cabdiwahaab Sayid

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x