?GANACSIGA & GURIGA: HAWEENKU MA KULMIN KARAAN

XAAWO CALI MAXAMED, QORAA & CILMI BAARE

URURIN

Qormadaan waxay ka hadlaysaa “guriga iyo ganacsiga: dumarku ma kulmin karaan?”, si loo helo xog muujin karta dumarka ganacsatada ah, qaybahooda, noocyada ganacsiyadooda, xiliyada ay shaqeeyaan, iyo saameynta ay ku yeelan karto guriga, waxaa loo adeegsaday qormadaan manhajka daraasadda xaaladda (منهج دراسة الحالة).

Ugu horreyn qoraagu waxay ka hadashay qeexidda ganacsiga, xiligii uu bilowday ganacsiga dumarka, sababaha keenay, iyo waxa ay kusoo kordhisay bulshada dhib iyo dheef, kadib waxaan ka hadalnay wax tarka uu u leeyahay ganacsiga haweenku bulshada, iyadoo aan u kala qaadnay qeybo kala duwan, sida in reer lagu biilo, baahida loo qabo intay le’eg tahay, iyo in ay jiraan goobo looga baahan yahay dumarka, iwm, sidoo kale waxaan ka hadalnay dhibaatada uu keenay ganacsiga haweenku, sida dayaca ilmaha, dayaca guriga, culaysinta nafta, iwm.

intaa kaddib waxay ka hadashay masuuliyadda dumarka oo ay sii qaybisay, mid kastana gaarkeeda uga hadashay iyo kaalinta ay ku leeyihiin ka qayb qaadashada hormarka bulshada, waxay ka hadashay sidoo kale ganacsiga dumarka, meelaha ugu badan oo ay ka ganacsadaan iyo fursadaha u banaan, kadibna baahi intee le’eg loo qabaa ganacsiga haweenka? Mase la kulmin karaa ganacsiga iyo guriga? iyo waxa ay ka dheheen dadkii lawaraystay.

Ugu dambeyn waxaa kasoo baxday qormadaan in ay dumarka shaqeeya ay qabaan inta badan oo iskugu jira kuwo xog ururin afka ah iyo mid warqado ku qorana in ay adagtahay in la kulmiyo ganacsiga iyo guriga, iyadoo abuuraysa dayac ilmaha iyo qoyskaba saameeya.

عن حواء علي محمد

باحثة في الشؤون الاجتماعية

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x