SIYAASIGA MAANTA

Cabdulqaadir Maxamuud cali Jaylaani, Qoraa

Bilawga qoraalka waxaan ku bilaabayaa bisinka Alle weyne.
kaddib waxaan ka cududaaranayaa in aanan qof gaar ah ula jeedin qoraalkaan kooban.
ujeedkiisuna waa Dareenkayga gaarka ah iyo waxyaalaha aan ka akhristay intaan arkayey ama maqlayey siyaasiga maanta ee ummadda soomaaliyeed hor boodaya .

Halbeegga siyaasiga maanta.

Siyaasiga Soomaaliyeed Halbeegiisu waa ANNAGA kaddibna ANIGA.
• ANNAGA
Siyaasiga maanta ee dalkeen-na siyaasaddiisa hor boodaya , Marka hore ee uu kicinaayo bulshada qaybeheeda kala duwan sida(haweenka, dhallinyarada , oday dhaqameedka, ganacsatada udhaw…iwm).
waxa uu aad u-adeegsadaa Ereyga ANNAGA oo ujeedka ugu weyni waa beer-laxawsi iyo isgadid uu bulshada iska gadayo.

AJANDAHA SIYAASIGA MAANTA:

Ajandaha uu kaduulo xilligiisa ol-olaha siyaasadda wuxuu caan ku yahay waxyaalahaan soo socda:
1. Af-macaani iyo beer laxawsi.
2. Muujin Kalsooni iyo dad-nimo dheeri ah.
3. Taabasho boogta qoyska iyo qaranka.
4. U hiilin danaha danleyda iyo inta dulman.
5. Qorshe siyaasadeed qotoma iyo awood fulinteeda ah.
6. isku-dhaf dadka u ol-oleenaya iyo inuu tuso inay isku mid yihiin.
7. Aqoonta iyo baraarugga bulshada inuu kor uqaadi doono.

UJEEDKA SIYAASIGA MAANTA

Ujeedkiisa koowaad iyo labaad waa sidii uu kursiga ugu fariisan lahaa.
kaddib markuu ku guulaysto ayuu bilaabaa aniga…
• ANIGA
Siyaasiga maanta wuxuu adeegsadaa Ereyga ah ANIGA marka uu xilka qabto kuna fariisto kursiga uu u-halgamayey muddo badan.
Inkastoo aqoon yarida iyo jiilaalka fahamka burburku iska leeyahay, Soomaaliduna reer reer isu qoonsatay mar hore, hadase aan u arko in lagasoo kabandoono dhibkii qabiilka isnebcaantiina aan isleeyahay waxaa sii badalaysa xoogaa isjeclaan ah haddana dadka u qaba in ay dadka kale ka xigaan hormuudka iyo madaxda dadku wada doortaan ayaan aaminsanahay in ay qabaan siyaasiga maanta inuu yahay qoyskooda warkiisuna yahay mid aan laga daba hadli karin.
Haddaba Goormuu dhahaa oo uu adeegsadaa siyaasiga maanta ereyga ANIGA.
Inta badan waxay adeegsadaan ereygaas markii uu awood uyeelan waayo ballan qaadkii uu samayn jiray xilligii ama waagii ol-olaha uu waday.
Waagaas kama fakarin berri iyo waxay ka mudantahay oo ah awood iyo awood la’aan labadaba.
Waxaa dhacda inbadan is eedayn iyo is qoonsi badan.
dhanka kale waxaa jira dad aan ku qancayn wuu qaldami karaa siyaasigaagu xataa haddii uu qadiyo oo albaabka kaxirto waxay kula socdaan insho-aan ba’an.

Gaba-gabo:

Waxaan kusoo koobayaa in laga digtoonaado dhaqanka noocaas ah bulshaduna uwar hayso siyaasiga maanta iyo ujeedooyinkiisa.

عن Cabdulqaadir Maxamuud cali mire

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x