TAXANAHA KASMO & KASIIS – QAYBTA 2AAD

ABWAAN MAXAMUUD CALI AADAM HOORI – QORAA & ABWAAN

Jaalle kani waa qaybtii 2aad  Taxanaha kasmo &kasiis , waa dhigane  taxanahe ah  , waa qormo  xan-baarsan   ogaal dhaqan iyo  oollimaad af,  waxa aan ku Eegayaa  kolkan  Ricro ka mid ah  laamaha dhaqanka ummmad soomaaliyeed , waa hagaage jaalle waxa aan wax kaaga iftiiminayaa  sooyaalka xiliyada iyo  kal tirsiga soomaalida , sooyaalka   hab-dhaqankii xiriir   ee bulsho “soomaaliyeed iyo sooyaalka gar-soorka soomaalida, soomaalidi waxa ay leedaahy hidde iyo dhaqan facweyn , kaa soo ku dhaadan  dhugmo waayo Arag , Garasho  Ximrane, xag-dhowr Xukmane iyo diin dhowr xamlane.

   Taxanaha Kasmo iyo Kasiis  waa raad-raac lagu sahminayo  kaalinta Aqoomeed  iyo  inta ay dhallaanku u jiraan Barasha dhaqanka iyo dhigaalka far-soomaalida, Taxanahani waxa uu Noqon doonaa  mid joogto ah  buuxiyana baahida Ardayga soomaaliyeed  iyo qofkasta oo  illaashka u adkaystay  Deraasadda Tariirkhda iyo dhaqanka soomaaliyeed.

Maansada Kasmo waxa ay soo baxday hilaaddi   21-8-2015, inigoo jooga magaalada Garoowe waxa aan ku baafinayaa maansadan Qiimaha dhaqanka iyo qofka looga baahan-yahay Ruuxuu noqonaya!  Maansadani waa Astaan gobeed xan-baarsan dhaqan, dhigaal, sooyaal, hidde, Taariikh iyo dhaqan suubban iyo dhaxal sooyaal waxa ayna tidhi saatan

Gabaygaba nimaan baran

Geeraarna shubikarin

Guurowna Sixikarin

Googgaa     hajoogee

Giiskuna u gabay yahay

Af- gobaadsi Laga Tiray

Gacan Saar ha’joogee

Walle“Garasho”Kama sugo!

Gego dhaanto nimaan Tegin

Gedda shiribka garanayn

Googooska sacabkiyo

Seddex gooyo tumikarin

Gelbis aan ka luuqayn

Gabbal ay aroostahay

Gacan Saar ha’joogee

Walle “Geelo” kuma dheho!

Gurdan raaca fiidkiyo

Habeen gaafna uu jiro

Barbaartuna is guratee

Ninaam jaanta goynkarin

Haasaawi gaamuray

Iyo garasho xeel dheer

Gololada lagaranayn

Sooyalna gocanayn

Gacan Saar hajoogee

Walle “Golaha” lamatago!

 

 

عن Abwaan Maxamuud Cali Aadam Hoorri

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x