Tayada Waxbarashadeennu waa halka Tacliinteenna laga soo galay

Dawlad Jama Ismail, Qoraa

Waxbarashadu waa furaha nolosha waana aasaaska horumarka, waa udbaha nolosha, waana kaaha adduunka, sababtaas awgeed ayaa ay ku tahay wax qof kasta u baahan yahay in uu helo, waa halka laga yiri ”Aqoon la’aantu waa Iftiin la’aan waa aqal iyo ilays la’aan”.

Waxbarashadu waxay lagama maarmaan u tahay ka guul gaarida waayaha adduun iyo wacyiga aakhiro waana irida laga galo sacaadada. Sidoo kale Waxbarashadu waa hagaha qofka is la markaana u tilmaamta dariiqa horumarka, waana waddada lagaga baxo fakhriga iyo jahliga.

Horumarka ay gaartay dunidan casriga sidaan ogsoonnahay waxaa gundhig u ah cilmiga heerka laga gaaray iyada oo ay taasi jirto cilmiga iyo Waxbarashaduna waxaa tiir dhexaad u ah oo aanay la’aantiis anfac yeellan karayn waa tayada,

Dadka dunidan ku nool waxay la noolyihiin labbo xaallad oo kala ah: Duni hormartay iyo mid salaankii horumarka lugta la weyday oo leelleel ku sugan, Sirta kaliya ee ka danbaysa in ay dunidu labbadaas xaalo noqotana waa heerka tayada waxbarashada ay ka kala joogaan, kuwa horeeya xoogga waxay saareen tayeynta aqoonta iyo Cilmiga halka kuwa kale ka seexdeen, waxaana soo baxay maah-maahdii aheyd ninkii seexdaa sacii dibi dhalay .

?Haddaba xaalkee kaga sugan yahay wadankeenna soomaliya labbadaas xaalo

Waxa aan oran waayey oon ka sariigtay waddankeygu wuu danbeeyaa waxaa kale oo aan Iyana oran waayey wadankeygu wuu hormaray waayo guul darrana lama aqbali karo beenna lama sheegi karo, sababtuna waxaa weeye wadankayga waxaa ka jirta waxbarasho aan wax soo saar iyo ikhtiraac toona lahayn maxaa yeelay qofku marka uu waxbarto wuxuun hal-abuur ah ayuu dalkiisa kusoo kordhiyaa. Tusaale.

  • Toban jirka Jayniiska ahi intay doonaan la le’ekaadeene wax buu ikhtiraacidooda ku hawlan yahay.
  • Inanka Jarmalka ahi cilmi daawo oo cusub siduu usoo biirin lahaa buu u heellan yahay.
  • Kan Jabaaniiska ahi gaadiid casri ah soo saaridiis buuku hamiyayaa.
  • Kan Ruushka ahi waxa uu har iyo hameenba usoo jeedaa sidii uu cilmiga nukliyeerka waddankiisa u tayayn lahaa.

Hal-hal looma tirin karayee caalamka siraadan jiilkoodu horumar bey dabada hayaan Balse ardayga soomaliyeed waa mid aan intaas midkoodna aan samayn, sameyntoodana usoo jeedin laba sababood awgood ; tayadiisa wax barasho oo liidata iyo gumaysi maskaxeed bulshadiisu qaayibtay. Kaaga darane wixii uu asal ahaanta u lahaa buusanba garaneyn oo halkii laga rabay in ardayga soomaliyeed uu noqdo mid ku dheggan dhaqankiisii soo jireenka ahaa, Sidoo kala daraaseeya cilmi sayniseedkii miyiga looga dhaqmi jiray ayuu taasna ku fashilmay noqdayna mid ka arradan arrintaa waxaa daliil cad u ah.

  • Wiilka soomaliyeed waa mid aan aqoon buuran u lahayn dhaqida meesiyada kala duwan ee xoolaheenna.
  • Wiilka soomaliyeed waa mid aan qorin karin koortii geela.
  • Wiilka soomaliyeed waa mid aan awrta dabri karin inuu abjaadka u tolo daaye
  • Wiilka soomaliyeed waa mid aan tiro ari ah xero u oodi karin.
  • Gabadha soomaliyeed waa mid aan rarradii cawda ahayd falkin karin.
  • Gabadha soomaliyeed waa mid aan dhisi karin aqalkii laba daryaalaha ahaa inay haamihiisa assasho daaye.

Haddaba iyada oo intaasiba ay jirto ayaa waxaan is waydiiyey tii hore tayada aqoontooda baa u aaneeye tolow tana maxaan u sababeeyaa?  Digna waa katageen doohna ma gaarin.

Aragti ahaan Waxaan isla qirsanahay in waxbarashadu ay lamid tahay geed wayn oo cambe oo gurashadiisa ummad dhan sugayso, Hase haddii aqoontu aysan tayo lahayn ay lamid tahay Geedkii laga wada dhursugayey oo wax miro ah dhali waayey.

?Haddaba Waxbarashada waddankaygu maxay u baahan tahay

:Waxbarashada wadankaygu

 Waxay u baahan dawlad rasmi oo xoogga saarta tacliinta iyo aqoonta, waayo dawlad la’aantu waa waxa keenay inaysan tayo yeelan aqoonteenu –

Cilmiga bulshada bay u baahan tahay (social Science) si ummaddeenna looga samata bixiyo fikradaha khaldan –

Technologyad casri ah bay u baahan tahay –

Farsamada gacanta bay u baahan tahay –

 Warshado wax lagu hogo-tusaaleeyo bay u baahan tahay –

Ugu dambayn waxbarashadaydu waxay u baahan tahay Tayeyn bilaa turxaan ah –

Aniga oo aan tirin Karin waxyaalaha waxbarashadeennu u baahan tahay haddaan intaas ku soo koobo waxaan leeyahay.

Mar haddey tacliin tahay ifkaba tiirka lagu taagay

Tayaduna aqoontey u tahay tamar galkeediiye

Waxkastoo iyada toosin kara bal an ku taageerno.

عن Dawlad Jama Ismail

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x