
ABWAAN MAXAMUUD CALI AADAM HOORI – QORAA & ABWAAN
Ujeedaka Taxanaha KASMO &KASIIS waa mid ka dhashay Muddadii aan ku dhexjirey shaqada “Wax-barashada” waxa aan u hubaynaya Taxanahan Ardayda soomaaliyeed ee wax ka Barata Dugsiyada dhexe, Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha ka dhisan dalka soomaaliya.
Wax aan qirayaa inaan u baahannahy olole xoog leh oo lagu baahinaayo aqoonta afka iyo dhaqanka suubban, jaalle waxa aan qirayaa inaan afku qabyo ahayn ee aqoontu ay qabyo tahay, taasuna waa midda keenaysa inaan suudameedka u xidhano sidii loo helilahaa kasmo iyo gasiis ku dhaadan garsho iyo gudasho buuxda.
Taxanahani waxa uu buuxin doonaa kaalin mug leh , Misciriir “misciliil” bannaan , sidoo kale waxa uu raar u noqonaya gortimo aan laga gubikarin , oo weliba u baahan in loo yagleelo raar si loo helo waddo maaro ah , oo markaa si sahlan looga gudbikaro, jaalle dhaqanku waxa uu u baahan-yahay oollimaad cilmiyeesan iyo degel baadh ku qotoma raad-raac iyo u guurgal Aqoomeed, markasta oo Aadanuhu uu ku dhowaado kadimada Aqoonta waxa uu u dhowaanayaa helinka Nolosha iyo hab-raaca loogu noolyahay .