XANAANOOYINKA CARUURTA EE BOOSAASO

Xaawo Cali Maxamed – Qoraa

:Ururin

Qormadaan waxay ka hadlaysaa “xanaanooyinka caruurta ee boosaaso – daraasad qiimaynaysa tayada barbaarinta & waxbaridda ilmaha ee xanaanooyinka”, si aan u helno xogta dhabta ah ee xanaanooyinka, kaalintooda ku aaddan barbaarinta ilmaha magaalada, iyo qaababka waxbaris ee ay adeegsadaan, waxaa loo adeegsaday qormadaan manhajka wasfiga (المنهج الوصفي).

Ugu horreyn qoraagu waxay ka hadashay xanaanadu waxay tahay, meesha laga keenay, xilliga la bilaabay, waxa ay soo kordhisay iyo waxay u tartay bulshada reer Boosaaso, iyadoo u kala qaadday qeybo kala duwan, sida barbaarinta, tarbiyadda, haynta ilmaha, waxbarida, ciyaarsiinta, iwm.

Intaas kadib waxay ka hadashay manhajka xanaanooyinka, buugaagta lagu dhigo iyo qaabka ay ilmaha wax ubaraan, sidoo kale waxay dulmar ku samaysay adeegyada xanaanooyinka, iyadoo kala qayb qaybisay, qayb kastana ku muujisay tilmaantayna waxa ay qabato iyo sida loo qiimeeyey.

Waxay tilmaantay in xanaanooyinku kaalin ku leeyihiin haynta iyo barbaarinta ubadka, iyagoo masuuliyadda tarbiyadda lagu halleeyo inta ay la joogaan, culayskaasna ay dusha saartaan, si taas lamid ahna waxbarashada asaasiga ah ay baraan.

Ciyaarsiinta ilmaha iyo dhiirigalintooda nafsiyad ahaan ayaa kamid ah hawlaha ugu muhiimsan ee xanaanooyinku u qabtaan ilmaha, oo qayb wayn ka ah barbaarintooda.

Ugu dambeyn waxaa kasoo baxday qormadaan in xanaanooyinku ku leeyihiin bulshada kaalin muuqata, gaar ahaan ilmaha, kaalintaas oo u baahan in la tayeeyo, si kor loogu qaado aqoonta iyo garaadka ilmaha.

 

عن حواء علي محمد

باحثة في الشؤون الاجتماعية

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x