(KHARASHKA DHAQAALE EE GUURKA (HORE & HADDA

إبراهيم عبدالقادر محمد

Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed, Qoraa iyo Cilmi baare

:Ururin

Qormadaan waxay ka hadlaysaa “kharashka dhaqaale ee guurka-hore iyo hadda”, waxaa si qoto dheer la isugu barbar dhigayaa kharashka guurka ku bixi jiray miyi iyo magaalo gumaysigii kaddib ilaa burburkii dowladda iyo kharashka hadda ku baxa lagasoo bilaabo burburkii ilaa hadda, si loo helo xog dhaqaale oo muujin karta qiimaha guurku joogo iyo awoodda dhalinyarada, waxaa loo adeegsaday qormadaan manhajka daraasadda xaaladda (منهج دراسة الحالة).

Ugu horreyn qoraagu wuxuu ka hadlay dhaqankii guurka ee soo jireenka ahaa oo soomaalidu lahayd, waxa uu tusaale usoo qaatay qayb kamid ah suugaantii soomaaliyeed ee dardaraanka iyo talada isugu jirtay, isagoo tilmaamaya in dhaqanka guurku ahaa xoolo maal iyo mood ba leh in la isa siiyo.

Wuxuu qoraagu is barbardhig ku sameeyey kharashkii guurka ku bixi jiray miyi iyo magaalaba marxaladdii u dhexeysay gumaysiga iyo burburka, oo 30 ahayd sano (1960-1990), iyo kharashka marxaladda la joogo ee ka dambaysay burburka ilaa hadda (1991-2018) ku baxa guurka.

Qoraagu wuxuu halbeeg ka dhigtay 5 qaybood oo guurku ku salaysan yahay waa (meherka, sooryada, yaradka, arooska, iyo aqalka), waa qaybaha dhaqan ahaan guurku ku salaysan yahay, haba lagu kala duwanaado magaca loo yaqaanno mid walba deegaan ahaan.

Wuxuu qoraagu soo bandhigay xaaladda dhaqaale ee dhalinyarada soomaaliyeed, isagoo tixraacaya tirakoobyo caalami ah, iyo kuwo dawladda soomaaliyeed ay samsay.

Ugu dambeyn waxaa qormadaan kasoo baxday in farqi ballaaran uu u dhexeeyo qiimaha guurku joogo celcelis ahaan iyo awoodda dhaqaale ee dhalinyarada.

عن إبراهيم عبدالقادر محمد

باحث صومالي مهتم بالدراسات المتعلقة بالشأن الصومالي وشؤون القرن الإفريقي

اترك رد

0 تعليقات
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x